SAKARIYE MAXAMUUD XAAJI CABDI: “Soomaalida waxay ku maahmaahdaa Gurbaankii la xado goob lagu yeeriyo ayuu rabaa, waxaa uun la rabaa meeshii kuraasta lagu bedeshay….”

Cabirka Farta

Arbaco, June 11, 2008(HOL): Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah Guddoomiye ku xigeennada Guddiga Fulinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa wuxuu ka soo horjeestay Heshiiskii ay Jibouti ku kala saxiixdeen  Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Sakariye waxaa uu sheegay in heshiiskaas uu la mid yahay heshiisyo badan oo horay Soomaaliya loogu hagar-daameeyay, wuxuuna sheegay in aysan aqoonsaneyn wixii shirkaas ka soo baxay.

“Heshiiska Jibouti lagu kala saxiixay waxaa ku qoran in marka ay Ciidamo ka socda UN-ka yimaadaan in qolada Dowladda Federaalka loogu yeero ay Itoobiya ka codsadaan in ay Soomaaliya ka baxdo, taasina xal uma ahan Soomaaliya, halgankana waa sii soconayaa”ayuu yiri Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho waxaa uu ku eedeeyay xubnihii Isbaheysiga ee heshiiska la saxiixday Dowladda Federaalka in sida uu u yiri ay dhiigga Shuhada kuraas ku bedesheen.

“Soomaalida waxay ku maahmaahdaa Gurbaankii la xado goob lagu yeeriyo ayuu rabaa, Xaglo Geel wax gunti la geliyo ka weyn, waxaa uun la rabaa meeshii kuraahtaas lagula fariisan lahaa”ayuu yiri Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.

Waxaa uu intaas ku daray Sakariye in dhawaan magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ay ku qaban doonaan kalfadhigii labaad ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay shirkaas ka soo qeybgeli doonaan inta badan xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta, kuwaasi oo uu sheegay in ay xitaa qaarkood ka imaanayaan dalka Jibouti.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia