Isniin, July 07, 2008(HOL): Waxaa xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya madaxii Xafiiska Muqdisho ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada ee UNDP.
Sarkaalkan la dilay oo lagu magacaabi jiray Cusmaan Cali Axmed ayaa waxaa toogtay rag hubeysan, kuwaasi oo ku sugayay meel u dhaxeysa gurigiisa iyo Masjid uu Salaaddii Cishaha ku soo tukaday oo ku yaala Xaafadda Buulo Xuubey ee Degmada Madiina.
Marxuumka oo markii la toogtay dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamada Amisom ayaa daqiiqado kadib halkaas ku geeriyooday, iyadoo ay xusid mudan tahay in uu marxuumka la dhaawacmay wiil dhalinyaro ah oo ay qaraabo ahaayeen, kaasi oo uu lugta dhaawac ka soo gaaray.
Dilka Sarkaalkan ayaa waxaa ka hadlay Qaramada Midoobay si weyn u cambaareysay kooxihii dilkiisa ka dambeysay, iyadoo sidoo kalena ay cambaareeyeen Hay’ado u dooda Xuquuqda Aadanaha oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho.
Dilka Marxuum Cusmaan Cali Axmed ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo todobaadkii hore gudahiisa lagu dilay magaalada Muqdisho nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jiray C/kariin Shiikh Ibraahim, kaasi oo gacanta ku hayay in ka badan 1000 Agoon ah oo qaarkood ay sanadkan bilaabayeen waxbarasho heer Jaamacadeed ah.
Horayna waxaa deegaanka Ceelasha Biyaha ee Duleedka Magaalada Muqdisho looga af-duubtay sarkaal isna u shaqeynayay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, kaasi oo lagu magacaabo Xasan Cali Maxamed. Sarkaalkan weli wuxuu ku jiraan gacanta kooxihii af-duubtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia