Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in aaney Garoonka Muqdisho ka dhoofi karin, kana soo degi karin qof aan Tallaal qabin

Guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir ee Dhinaca Arrimaha Bulshada- Maxamed Cusmaan Cali (Dhagax-tuur)
Axad, July 06, 2008(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta shaaca ka qaaday in aysan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka dhoofi doonin kana soo degi doonin cid aan tallaal qabin.
 
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Cali Dhagax-tuur ayaa sheegay in wixii ka dambeeya Talaadada soo socota  aan la ogolaan doonin in ay ka dhoofto, kana soo degto Garoonka Aadan Cadde cid aan tallaalneyn, “Qofka dibadda ka imaanaya wuxuu keenayaa haddii uu wato caddeymo muujinaya halka uu tallaaka ka soo qaatay, qofkii aanan tallaal qabinna waa la tallaalayaa”ayuu yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur.
 
“Dhoofayaasha sharafta leh waxaan ka codsaneynaa in ay seddex maalmood ka hor ay tallaalka qaataan, ciddii ka dhego adeygto baaqa aan jeedineyno  ee aan tallaalkaas qaadan-na wixii dibu dhac ah ee ku yimaada duulimaadkeeda iyada ayaa mas’uul ka ah”ayuu mar kale  yiri Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur oo sheegay in amarka tallaalka ah ee ay soo rogeen uu yahay mid caalami ah waa sida uu hadalka u dhigaye.
 
Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur, waxaa uu intaas ku daray in howsha tallaalka ay fulineyso Waaxda Caafimaadka Dowladda Hoose ee Maamulka Gobolka Banaadir, taasi oo uu sheegay in lagala xiriirayo arrimaha tallaalka la xiriira.

Amarkan tallaalka ah ee lagu soo rogay Dhoofayaasha iyo soo degayaasha ayaa waxaan la ogeyn in ay wax ka ogtahay Wasaaradda Caafimadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena la is-weydiin karo dawada qofka la tallaalayo lagu mudayo tiiyoo la ogyahay in Soomaaliya xiligan ayasan oolin dawo leh tayo si heer sare ah loo baaray (high quality control medicine), isla markaana dawada taala ay tahay mid ay ganacsato keensadaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






Axad, 6, July, 2008 (HOL) Waxaa ugu dambeyntii guul daro ku soo dhamaaday kulan ay wada qaateen Golaha Odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee jooga duleedka Magaalada Beledweyne gaar ahaan Xeradda Jante-kuundisho.

Axad, 05 July (HOL): Wefti ka socda deeq-bixiyayaasha Caalamiga ee Somaliland ka taageeraya doorashooyinka soo socda oo shalay dalka yimid, ayaa kulan ay Komishanka Doorashooyinka Qaranka la yeesheen, waxay Soaliland ugu ogolaadeen, isla markaana ugu fasaxeen kharashka ku baxaya Diiwaan-gelinta doorashooyinka soo socda oo ay iyagu bixinayaan.

Axad, July 06, 2008(HOL): Seddex Ruux ayaa geeriyootay Shan kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii uu saaka dagaal ka dhacay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Axad, July 06, 2008(HOL): Wararka ka imaanaya Deegaanka Buurta ee Gobolka Sanaaga ee Maamulka Puntland ayaa sheegaya in Maanta Rasaaas aad u xoog badan ay dhaxmartay Ciidamo ka tirsan Somaliland iyo Shacabka Gobolkaasi Sanaag, kuwaasi oo isku khilaafay sida laga yeelayo dad ajaanib ah oo Af-duub loogu haysto Deegaanka Calmadaw ee Gobolka Sanaag.

Axad, July 06, 2008(HOL): Dhinacyada is-khilaafsan ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa maanta waxay isku soo hor-fariisanayaan Magaalada Sanca ee Dalka Yemen, iyadoo labada dhinacna ay ka wada hadlayaan khilaafaad soo kala dhexgalay.

Axad, July 06, 2008(HOL): Abaare Saacaddu markey aheyd xalay 1:00 am waxaa mar kaliya laga wada maqlay Xaafadaha Magaalada Beledweyne Qarax aad u weyn oo ka dhashay Miino xalay Kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Itoobiya ku xireen goob ganacsi oo u tiilay Magaalada Beledweyne.

Axad, July 06, 2008(HOL): Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah Xoghayah Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa sheegay in uu sii socon doono dagaalka ay kala soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Axad, July 06, 2008(HOL): Guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Maxamuud Cilmi ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo Boolis ah oo u joogay Deegaanka Yaaq-biri-weyne ay weerar ku qaadeen Ciidamo Mileteri ahoo ka tirsan Guutada 17aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Somali News

7/6/2008 4:43 PM EST
MOGADISHU (AFP) — Gunmen on Sunday killed the head of the UN Development Programme in the Somali capital, a UN official said, the latest fatality in a string of attacks on aid workers in the lawless country.

7/6/2008 4:40 PM EST
MOGADISHU (Reuters) - Unknown assailants shot dead the Somali head of the United Nations Development Programme (UNDP) late on Sunday as he was on his way home from saying evening prayers in the chaotic capital Mogadishu, witnesses said.

7/6/2008 12:47 AM EST
About 15 Somalis have died as a result of thirst and hunger in the Libyan desert near the border with Sudan after they spent more than 10 days walking in hot desert areas.

7/6/2008 12:44 AM EST
A catered fundraiser for Sen. Barack Obama was held recently at Duke's City, an upscale restaurant and bar nestled amid the hip new condominiums in the District's U Street corridor, where up-and-coming white professionals are slowly taking over an area that was once mostly black.

7/6/2008 12:35 AM EST
Beled Weyn, Somalia (HOL) - There is confusion and anxiety among residents in the central city of Beledweyne, Somalia, after Union of Islamic Courts (UIC) forces who recently took over control of the city from the administration appointed by the Transitional Federal Government (TFG) of Somalia have started substantial military preparations in some areas of the city
Click here