Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Muqdisho ku laabtay

Cabirka Farta

Talaado, July 29, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa maanta wuxuu dib ugu noqday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay wuxuu ku sugnaa Magaalada Garowe, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse iyo xubno ka tirsan labada gole ee Maamulka Puntland, kuwaasi oo uu kala hadlay arrimo ku saabsan doorashooyin sanadka soo socda ka dhici doona deegaannada Puntland, Amniga Puntland iyo weliba Arrimo ku saabsan Shidaal laga baarayo Deegaanno ka tirsan Puntland.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo saaka ka soo amba baxay Magaalada Garowe ee ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Intii aanu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka soo degin garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxaa Wadada Makka Al-Mukarama la dhigay Ciidamo badan oo isugu jiray Itoobiyaan iyo Soomaali, kuwaasi oo gebi ahaanba xayiray isu socodka dadka iyo gaadiidka ee Wadada Makka Al-Mukarrama, iyada Wadadana ay xirneyd muddo saacado ah.

Ma jirin wax iska hor-imaad ah  oo Wadadaas ka dhacay sidii dhici jirtay marar hore oo uu Madaxweynaha dalka ka dhoofayay ama ku soo noqonayay, wuxuuna Madaxweynaha si nabadgelyo ah ku tegay Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia