Deeq Lacageed oo markii ugu horeysay la soo gaarsiiyay Qoysaska ka soo barakacay Muqdisho oo ku sugan Gobolka Hiiraan

Jimco, January 18, 2008(HOL):  Ma'aha marka la eego Qoysaska ka soo barakacay Dagaalada ka dhacay Caasimada Muqdisho ee soo gaaray Gobalka Hiiraan kuwo wada helay Fursadaha Gar-gaarka aan badneyn hay'adaha samafalku ugu deeqaan dadka ku tabaaleysan gobalka Hiraan, waxaana jira Qoysas tan markii ay ka soo barakaceen Caasimada Muqdisho aan xitaa la soo booqan xeryaha ay ku jiraan.
 
Laakiin Galinkii Dabne ee maalitii shalay ayaa Qoysaska ku jira Xerada lagu Magacaabo Al-aamin ee Magaalada Beledweyne ka mid ah Qoysaska ka qaday deeqaha hay'adaha Samaflka ayaa waxaa soo gaaray Deeq-lacageed oo dhan 2500 oo Doolar kana timid Jaaliyada Gobalka Hiiraan ee Qaaradaha Yurub iyo Ameerica.
 
Ilaa 100 Qoys oo ka mid ah dadka ku soo barakacay xerada Al-aamin ee Magaalada Beledweyne waxaa u qeybiyay deeqdaa la soo gaarsiiyay Cabdi C/laahi Faroole oo wakiill ka ahaa Jaaliyadaha deeqda soo diray, waxaana xusid mudan in hadba la eegayay sida Qoysasku u kala daran yihiin.
 
'' Xaliimo Yuusuf oo ah hooyo heysta 7 caruur ah kana soo barkacday magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Seygeeda uu ku geeriyooday Dagaalada Muqdisho waxaana ay intaa ku dartay in markaa kadib iyada iyo caruurteeda isaga oo baxeen caasimada Muqdisho, Xaliimo waxaa ay u mahad celisay dhalin yarada soo gaarsiisay deeqda la cageed iyada oo sheegtay in ay heshay lacag dhan 50 Doolar.
 
Talaabadan loogu soo gurmanayo dadka ku taabaleysan xeryaha Magaalada Beleweyne ee Gobalka Hiiraan ayaa suurta gal ka dhigi karta hadii ay sidan ku sii socdaan in ay soo yaradaan baahiyaha kala duwan ee la soo darsay dadka ka soo barakacay Caasimada Muqdisho kuwaasoo qaarkood hadda ka taagan nolasha heer quus ah.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia