
Isniin, February 04, 2008(HOL): Waxaa maanta kulan isugu yimid Ganacstada Soomaaliyed ee ku dhaqan dalkan Koofur Afrika gaar ahaan magaalada Johannesburg ee wadankan Koonfur Afrika iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkan ku dhaqan.
Shirkan ayay labada dhinac uga wada hadleen dhibaatooyinka Dadka Soomaaliyeed ku soo gaara Dalka Koofur Afrika iyo sida haddii ay iskaashadaan Jaaliyadda iyo ganacsatada Soomaaliyeed ay wax uga qaban karaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay kulanka ka qeybgaleen ganacsato si weyn looga yaqaano Dalka Soomaaliya.
Waxaaa sidoo kale madasha erayo kooban ka soo jeediyay Guddomiyaha Jaaliyadda (Somali Comminity Board - South africa) Mudane C/xakiim Maxamed Hadi oo isagu ku nuux nuuxsaday waxyaabihii ay qabatay Jaaliyadda mudadii ay jirtay, kuwaasi oo uu ka xusay oo ay ka mid ahaayeen:
1. In ay wax ka qabteen arrimaha xalinta khilaafaadka isagoo xusay in ay xaliyeen ilaa 15 cabasho oo la soo gaarsiiyay xafiiska Jaaliyadda kuwaasoo isugu jiray arrimo qoys, dhaqaale iyo ganacsi.
2. in ay u doodeen oo ay xabsiyada ka sii daayeen dad gaarayay 23 Ruux, kuwaasi oo lagu xiray in ay si sharci darro ku joogeen Dalka Koofur Afrika.
3. in ay Dad Sharci la’aan heysay ay u fududeeyaan helista sharciyo ay Dalka Koofur Afrika ku joogaan
4. in ay Jaaliyadda Diiwaangelisay, isla mnarkaana daba-taagan tahay Dad gaaraya 9 Qof oo Soomaali ah oo Bishii Janaayo ee sanadkan lagu dilay Magaalooyinka Johannesburg, Rustenburg, Queenstown,Cape Town, Beit-bridge iyo Middleburg.
Waxaa sidoo kale ka hadlay kulanka ganacsade lagu magacaabo C/llaahi Nuur (Garguurte) oo u mahad celiyay soo qaban qaabiyayaasha isu imaatinka, isla markaana ku aamanay Jaaliyadda waxqabdka ay soo bandhigeen, isagoona kula dardaarmay Jaaliyadda in ay si waddo howsha baaxadda leh ee ay heyso.
Ismaaciil Cabdalla Soomane oo ah Gudoomiye kuxigeenka Jaaliyadda ayaa isagana ka hadlay muhiimadda ay leedahay isku duubnida bulshada iyo xiriirka ay la leeyihiin Jaaliyadda mar kasta oo ay soo foodsaaraan caqabadaha iyo mashaakilaadka bulshada dhexdeeda ah. Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay dhaqaale lagu taageero Jaaliyadda si howlaheeda ay u gudato.
Kulankan ayaa ku soo gaba gaboobay jawi heer sare ah iyadoo Ganacsataduna ay u ballan qaadeen lacag gaareysa ilaa R 75000 ($10,000), taasi oo lagu taageerayo howlaha ay Jaaliyadda qabato, iyadoo Ganacsade lagu magacaabo Xaaji Muuse Ganjab uu ballanqaaday inuu bixinayo 20% Kharashka ay Jaaliyadda u baahan tahay.


Saciid Cabdulle Herow Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg South Africa