Khamiis, 21 February, 2008(HOL): Safiirka Dowladda Koofur Afrika u fadhiya Qaramada Midoobay Ambassador Dumisani Kumalo ayaa golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku eedeeyay in uu ka cago-jiido arrinta Soomaaliya mar kasta oo la yiraahdo ha laga hadlo.
Danjiraha ayaa hadalkan jeediyay kadib markii uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ka hadalka xaalada ka taagan Soomaaliya ku xiray warbixin laga sugayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon, taasi oo golaha loo soo gudbin doono 10-ka bisha Maarso ee soo socota.
"Waa waqti lumis in la yiraahdo waxaa la sugayaa warbixin uu Soomaaliya ka soo gudbinayo Xoghayaha guud, waayo waxaa uu golaha heystaa warbixin Arbacadii (shalay) loo gudbiyay oo ka timid Waaxda Qaramada Midoobay u qaabilsan Howl-gallada Nabad ilaalinta"ayuu yiri Ambassador Dumisani Kumalo.
Dumisani Kumalo iyo Xubno kale oo ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxay sheegeen in ay arrinta Soomaaliya ka hadli doonaan marka Golaha loo soo gudbiyo Warbixinta laga sugayo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon, iyagoo sheegay in aysan sugi doonin inta ay ka dhamaaneyso lixda bilood ee loogu daray Ciidamada Amisom ee ka howlgelaya Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Hadalka kulul ee uu sii daayay Danjiraha Qaramada Midoobay u fadhiya Dalka Koofur Afrika ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu Ciidamada Amisom ee nabad ilaalinta u jooga Magaalada Muqdisho uu ugu daray lix bilood oo kale, iyadoo mudadaas inta lagu jirana loogu baaqay Dalalka Midowga Afrika in Ciidamo u diraan Soomaaliya.
Kuraasta Qaramada Midodobay ay ku leeyihiin Dalalka South Africa iyo Somalia ayaa waxay yihiin kuwo isku xiga oo Danjirayaashooda ay garbaha isku hayaan, bacdamaa ay magacyada labada dal ka wada bilowdaan (So), waxaana loo maleynayaa in ay Danjirayaasha labada dal ay si weyn isu ayidaan marka ay timaado ka hadalka dalalkooda.
Ugu dambeyntiina, Kursiga Soomaaliya ay ku leedahay Qaramada Midoobay ayaa wuxuu ahaa mid bannaan tan iyo wixii ka horeeyay Dowladdii TNG-da ee Carta-Jabuuti lagu soo dhisay, iyadoo wixii xiligaas ka horeeyay ay boorsooyinka saaran jirtay Dowladda South Africa, balse haatan waxaa Soomaaliya Kursigaas ku fadhiya Danjire Cilmi Axmed Ducaale oo Soomaaliya uga wakiil ah Qaramada Midoobay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Dowladda Koofur Afrika oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku eedeysay in uu ka cago-jiido arrinta Soomaaliya mar kasta oo la hor-keeno
More News
- Warar Dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaallo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho
- Suuqa Bakaaraha oo maanta mar kale ay gudaha u galeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya
- Idaacadda Horn Afrik oo dhowr maalmood hawada ka maqan
- UGAAS MAXAMED WELI: "Ciidamada Amisom waxaan ugu baaqeynaa in ay Soomaaliya uga baxaan muddo 25 maalmood ah, haddii ay uga bixi waayaanna..."
- Dagaal ka dhacay Deegaanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho
- Dadka Degmada Waaberi oo ka cabanaya rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda oo dhac u geysta
- Ra'iisal Wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Addis Ababa Wada hadallo kula leh Madaxda Dowladda Itoobiya