Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaallo maanta ka dhacay Deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud

Cabirka Farta

Axad, December 28, 2008(HOL): Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal khasaare geystay oo maanta ka dhacay Degmada Dhuusa-mareeb iyo Deegaanka Galinsoor ee Gobolka Galgaduud, iyadoo la sheegayo in dagaalkaas uu geystay dhimashada dad kor u dhaafaya 15 ruux iyo dhaawaca  dad  kale oo ka badan 26 ruux.

Dagaalka maanta ka dhacay Degmada Dhuusa-mareeb ayaa lagu soo waramayaa in uu geystay dhimashada dad ka badan 10 ruux, iyadoo sidoo kalena ay  ku dhaawacmeen dad gaaraya 20 ruux , iyadoo dagaalkanina uu u dhaxeeyay Xoogag kala taabacsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Dagaal kale oo maanta ka dhacay Deegaanka Galinsoor  ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in uu isna geystay dhimashada 5 ruux iyo dhaawaca 6 ruux oo kale, kuwaasi oo haatan lagu daweynayo Isbitaalka Degmada Cadaado.

Dagaalladan ayaa waxay saameyn ku yeesheen dadka ku dhaqan deegaannada ay dagaallada ka dhaceen, iyadoo ay ku barakaceen dad badan oo ay ku jiraan kuwo markoodii hore ka cararay dagaallada iyo nabadgelyo la’aanta ka jirta Magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo shalay ay dagaal uu ka dhacay Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo u dhaxeeyay isla dhinacyada ku dagaallamay Degmada Dhuusa-mareeb.

Dagaalladan ayaan ilaa iyo haatan la ogeyn waxyaabaha ay rasmi ahaan salka ku hayaan marka laga reebo in ay labada dhinac ku hardamayaan gacan-ku-heynta Gobolka Galgaduud.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia