Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhimasho iyo dhaawac u geystay Dad Rayid ah oo gaari rakaab ah saarnaa

Cabirka Farta

Jimco, December 26, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Deegaano hoos-taga Degmadaas ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen dad rayid ah, halkaasna ay dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay.

Rasaasta ay Ciidamada Itoobiyaanka ku fureen dadkaas ayaa waxay sababtay dhimashada 2 ruux iyo dhaawac 3 ruux oo kale, kuwaasi oo dhamaantood ahaan Dad ka ganacsada Caanaha oo ku sii jeeday Deegaan lagu magacaabo Dacarta oo Gobolka Shabeelaha Hoose ka tirsan.

Sababta keentay in  Ciidamada Itoobiyaanka u rasaaseeyaan gaarigaas ayaa lagu sheegay in ay la xiriirtay iyadoo darawalkii kaxeynayay gaariga ay saarnaayeen dadka dhibaatada soo gaartay uu dhaqso u qaadan waayay amar ay siiyeen Ciidamada Itoobiyaanka oo  ahaa in uu gaariga joojiyo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo sidan oo kale ay Ciidamada Itoobiya rasaas ugu furaan Dad Rayid ah, waxayna taasi inta badan dhacdaa marka gaadiidka ay dadka raacaan ee mara meelaha u dhow saldhigyada Ciidamada Itoobiya ay darawallada la cararaan.

Dhawaan ayay ahayd markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan nawaaxiga Degmada Wanla-weyn ay rasaas ku fureen gaari ay saarnaayeen Dad Rayid ah, iyadoo halkaasina ay dhimasho iyo dhaawac ka dhacday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia