Ra'iisul wasaarihii uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Yuusuf oo sheegay inuu baarlamaanka hortegayo, Xukuumadna uu soo dhisayo

Cabirka Farta

Isniin, December 22, 2008(HOL): Ra'iisul wasaarihii uu dhawaan magacaabay Madaxweyne C/llaah Yuusuf Axmed oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere ayaa ka sheegay Baydhabo inuu baarlamaanka horgeynayo xukuumadiisa, dhawaan.

Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere) ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu hortago Baarlamaanka, markaas kadiba uu soo dhisayo xukmad ,isagoo  carrabka ku dhajiyay inuu sugayo  kaliya dhaarin.

"Dhaarinta kadib ayaan filayaa inaan baarlamaanka hortago, balse waxaan wadaa dadaallo aan isugu keenayo baarlamaanka, maadaama xilliyadii ugu dambeeyay uu ahaa mid kala qaybsan" ayuu yiri Gacmo-dheere.

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Guuleed Gacmo-dheere oo ay ka magacaabistiisa ka soo horjeesteen Qaramada Midoobay, Kooxda Caalamiga ah eela xiriirka Soomaaliya, Midowga Afrika iyo IGAD  ayaa weli ku adkeysanaya inuu yahay ra'iisul wasaaraha rasmiga ah ee dalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo xukuumadiisa inay xukunka isku dhajiyaan.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo siyaabo kala duwan shalay shirar ugu qaatay Magaalada Baydhabo ayay qaarkood eedeyn u soo jeediyeen guddoonka baarlamaanka, waxayna sheegeen inaysan ka qaybgalayn kulamada soo socda.

Xildhibaano ku dhow 90-mudane ayaa la sheegayaan in ay taageersan yihiin magacaabidda Gacmo-dheere oo isaga qudhiisa ah mudane ka tirsan baarlamaanka Somalia; balse magacaabiddiisa ayaa waxay sii kordhisay khilaafka u dhaxeeya madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia