Madaxweyne Rayaale oo socdaal ugu kicitamay dalalka Jabuuti iyo Itoobiya

Cabirka Farta

Jimco, 18 December 2008 (HOL) -  Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta ka amba-baxay Magaalada Hargeysa, iyaga oo Safar aan la shaacin oo aan hore loo sii ogayn ugu kicitimay sida la sheegay Dalalka Itoobiya iyo Jabuuti.

Sida uu sheegay Afhayeenka Madaxtoyadu, Madaxweyne Rayaale ayaa inta uu dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ku sugan yahay kulamo la yeelan doona Masuuliyiinta iyo Madaxda dalalkaas.

 

Waxaana sida la sheegay ay ka wada-hadli doonaan iskaashiga Somaliland dalalkaa kala leedahay dhinaca Amniga. Madaxweynaha oo ay socdaalkan ku weheliyaan xubno uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Cawil Cali Ducaale, ayaan lagu wargelinin Saxaafadda, isla markaana aanu Madaxweynuhu u waramin sida u caadiga ahayd marka uu Safar dibedda ah u baxayo.

Waa markii u  horraysay ee uu M/weyne Rayaale Socdaal dibedda ugu baxo tan iyo intii Magaalada Hargeysa lala beegsaday Qaraxyada sababay dhimashada 24 qof iyo dhaawaca 28-kale, bishii October 29-keedii.

 

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online

Hargeisa, Somaliland.