Arbaco, December 17, 2008(HOL): Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saaka wuxuu ka dhacay Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.
Dagaalkan oo madaafiicda la isugu adeegsanayay laga maqlayay xaafado ka fog halka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa uu dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeday.
Dagaalka oo ka dhacay Isgoyska KM4 iyo nawaaxigiisa ayaa wuxuu saameeyay Hotel-ka Naasa-hablood ay degan yihiin ergooyin ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo dhawaan Muqdisho soo gaaray, inkastoo aaney kooxihii weerarka soo qaaday u suurtagelin in ay Hotelka gaaraan amaba ay Isgoyska KM4 oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Amisom ay gacan ku heyntiisa la wareegaan.
Khasaaraha dagaalkan uu geystay ayaa ilaa iyo haatan la xaqiijiyay in uu la egyahay dhaawaca 7 ruux oo rayid ah, kuwaasi oo guryahooda oo degmada Hodan ku yaala ay madaafiic ugu tageen.
Wuxuu ahaa dagaalkii labaad oo Muqdisho ka dhaca tan iyo wixii ka dambeeyay markii uu Muqdisho soo gaaray Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, kaasi oo sheegay in waxyaabaha uu Muqdisho u yimid ay qeyb ka tahay sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Jibouti oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in xabadda la joojiyo, kadibna ay Ciidamada Itoobiya Dalka ka baxaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia