Arbaco, December 10, 2008(HOL): Guddoomiyaha Maamulka Islaamiga ah ee ka jira Gobalka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa sheegay in mar kale Ciidamada Itoobiyaaku ay ku soo xad gudbeen Gobalka Hiiraan.
Shiikh C/raxmaan Macow oo Wareysi siinayay Warbaahinta gudaha ayaa sheegay in Ciidamo Itoobiyaan ah oo ay wehliyaan Saraakiil ka tirsan Maamulkii hore ee Goballka ay fariisin ka dhigteen deegaanka Kala-beyr, waxaana uu intaas raaciyay in Ciidamada sida uu hadalka u yiri Mujaahidiintana ay ku sugan yihiin deegaanka Ilka-caddo oo Kala-beyr u jirta wax ka yar 2-km.
"Runtii dhiig faro badan ayay Ciidamada Islaamiyiintu ku daadiyeen sidii ay Goballka uga xoreyn la haayeen Cadawga Itoobiya, Ilaah Mahaddii taa waa lagu guuleystay laakiin hadda waxaad mooddaa in mar kale Cadowgu dib u soo rogaal celiyay” ayuu yiri Shiikh C/raxmaan Macow oo intaas raaciyay in aan la huri doonin dagaal lagu qaado Ciidamada Itoobiya inta ay joogaan Taako ka mid ah dhulka Goballka Hiiraan.
Shacabka ku dhaqan guud ahaan Goballka ayuu ugu baaqay Shiikh C/raxmaan in ay ka qeyb qaataan daagaalka lagaga soo horjeedo Ciidamada Itoobiya oo sida uu sheegay mar kale damacsan in ay gumaadaan dadka rayidka ah.
Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow ayaa xiliga uu Wareysiga siinayay Warbaahinta waxaa uu sheegay in uu ku sugan yahay deegaanka Ceel-gaal oo aan sidaa uga sii fogeen halka ay fariisinka ka dhigteen Ciidamada Itoobiya, waxaana soo baxaya cabsi durbaba dadka ka muujinayo wax ka dhalan kara dhaq dhaqaaqa ay wadaan Ciidamada Midowgga Maxkamadaha.
Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka Kala-beyr ayaa sheegaya in weli halkaas ay ku sugan yihiin Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee soo galay maalintii shalay, kuwaas oo baaritaanno xoog leh ku sameynaya gaadiidka Xamuulka ah ee isaga gudbaya Goballada dhexe ee dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
SHIIKH C/RAXMAAN MACOW: “Inta Itoobiyaanku ku sugan yahay qeybo ka mid ah Gobalka Hiiraan Mujaahidiintu waa ay la dagaallami doonaan"
More News
- Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Soomaaliya oo muddo lix bilood ah xareeyay Ciyaartoy meteli doonta Qaranka Soomaaliya
- Xuska Maalinta Baaqa Caalamiga ah ee Xuququl Insaanka oo Maanta lagu qabtay xarunta Dalladda Haweenka Cogwo ee Muqdisho
- Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ka degay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho