Talaado, August 05, 2008(HOL): Tuulada Ndevana oo katirsan Magaalada King Williamstown ee Gobolka Eastern Cape ayaa lagu boobay Dukaamo gaaraya 6 Dukaan oo ay lahaayeen Ganacsato Soomaaliyeed. Dukaamadan ayaanan caddeyn sababta loo boobay iyadoo xiligan ay ku sugan yihiin Milkiilayaashii Xero Police oo ku taala Magaalada King Williamstown.
Ismaaciil Nuur oo ka tirsanaa Ganacsatada la boobay oo ugu waramayay qadka Telfoonka Xafiiska HOL ee magaalada Johannesburg ayaa sheegay in ay Xarumohoodii Ganacsi iyo Hantidoodiiba kaga jiraan Xero Police oo aysan jirin wax haba yaraatee u soo badbaaday isagoo intaa raaciyay in aysan jirin wax Dil iyo Dhaawac ah oo soo gaaray.
Dhibaatada lagu hayo Soomaalida ku nool Dalka South Africa ayaa ah mid marba marka ka dambeysa sii kordheysa mana muuqato tallaabo ay ilaa hadda Dowladu qaaday oo la dhihi karo wax bey ka tareesaa dhibaatooyinkan soo noq-noqday ee iskugu jira Dilka, Dhaca iyo Dhaawac intaba.
Saciid Cabdulle Herow Hiiraan Online
[email protected]
Johannesurg South Africa
Ganacsato Soomaaliyeed oo mar kale Dukaamadoodii lagu boobay Dalka Koonfurta Africa
Cabirka Farta
More News
- Maamulka KMG ah ee Gobolka Banaadir oo sheegay in uu dib Muqdisho ugu soo celinayo dad horay uga barakacay
- Guddiga Dib u heshiisiinta Qaranka oo Madaxda Dowladda Federaalka ugu baaqay in ay isu tanaasulaan
- Odayaasha Dhaqanka G/Hiiraan iyo Duqa Magaalada Beledweyne oo isku khilaafay qaadista lacago cashuur ah oo uu soo rogay Duqa Magaalada
- Uganda oo sheegtay in ay Ciidamadeeda sii joogayaan Soomaaliya
- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku eedeeyay in uu jallaafeynayo Dib u heshiisiinta
- Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub oo cambaareeyay Qarax ay ku waxyeelloobeen Haween badan oo Nadaafadda ka shaqeynayay
- Xaaladda goobo Muqdisho ku yaala oo ay shalay dagaallo ka dhaceen oo saaka degan