Sarkaal u shaqeynayay Hay’adda WFP oo lagu dhaawacay gudaha Degmada Marka

Cabirka Farta

Sabti, August 30, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Marka ee xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in caawa fiidkii degmadaas lagu dhaawacay Sarkaal u shaqeeya Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Cali Naasir ayaa la sheegay in xiliga la dhaawacayay uu ka baxay Xafiiska Hay’adda WFP ee magaalada Marka, isla markaana uu ku sii socday guri ay leeyihiin dad ehelladiisa ah kaasi oo ku yaala isla gudaha Magaalada Marka.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dhinaca Ammaanka Maxamed Maxamuud Cilmi ayaa Idaacadda Horn Afrik u xaqiijiyay in sarkaalkaas uu dhaawac soo gaaray, hayeeshee uu dhaawaciisa yahay mid sahlan.

Guddoomiye ku xigeenka waxaa uu sheegay in ay Ciidamada Ammaanka Gobolka ku daga-jiraan Kooxihii dhaawacay Sarkaalka, kuwaasi oo uu sheegay in ay ahaayeen kuwo lid ku ah amniga magaalada Marka.

Horay ayaa howl-wadeenno ka tirsan Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP waxaa dil iyo dhaawac loogu geystay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Soomaaliya, iyadoo marka howl-wadeennadaas la weerarayayna ay ku guda jireen qeybinta raashin mucaawino ah oo ay Hay’adda WFP siiso dad badan oo ku dhibaateysan Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia