Ciidamada Itoobiya oo amar ku bixiyay in la furo goobaha ganacsiga Magaalada Beledweyne

Cabirka Farta
Isniin, August 18, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya oo ay wehliyaan kuwa Dowladda Federaalka ayaa soo saaray amar ay ku wargalinayaan ganacsatada Magaalada, iyaga oo dalbaday in albaabada loo furo dhamaan goobaha ganacsiga ee xiran gaar ahaan Xaafadihii uu ka dhacay dagaalkii cuslaa ee dhaxmaray Ciidamada Itoobiya iyo Xoogagga ka soo horjeeda.
 
Xaafadda Buula-xaabley oo ka mid xaafadaha sida weyn dirirtu uga dhacday ayaa saakay lagu arkayay Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaf wareegaya kuwaas oo meelaha qaar ka sameynayay baaritaan, waxaana ay sheegeen in ay jabin doonaan meheradaha ganacsi ee wali xiran.
 
Sidoo  kale Ciidamadu waxaa ay intaas ku dareen in goobta ganacsi ee lagu arko hub iyo wax la mid ah lala wareegi doono dhaman hantida taala, taasoo cabsi iyo wal walba ku abuurtay ganacsatada oo intooda badan ah kuwo hubeysan maadaama ammaanku uusan aheyn mid laysku haleyn karo.
 
Ilaa hadda ma jiro wax hub ah oo  laga soo helay baaritaanka lagu sameeyay qaar ka mid ah goobaha ganacsiga magaalada oo intooda badan saakay la furay kadib amarka ka soo baxay Ciidamada Itoobiyaanka, walow ay jiraan meherado ganacsi oo wali uusan baaritaanku saameyn ku yeelan.
 
Dhinaca kale, waxaa wali taagan muran adag oo ka dhashay bililiqo loo geystay Suuqa Sarifka Lacagaha Qalaad ee Magaaladda Beledweyne, kaas oo sida ganacsatada qaarkood sheegeen laga qaatay cel celis ahaan lagac kor u sii dhaafeysa ( $100,000 doollar), waxaana ganacsatadu ku eedeeyeen dhaca loo geystay Suuqa in ay ka danbeeyeen Ciidamada Dowladda.
 
Duqa Magaalada Beledweyne ayaa dhinaciisa sheegay in eedeytaasi tahay mid waxba kama jiraan ah, isla markaana maamulku baaritaan ku sameyn doono ciddii ku aan lug lahayn dhaca loo geysatay ganacsatada isagoo intaas ku daray in maamulku marnaba raali ka noqon doonin in la dhaco hantida dadweynaha.
 
Inkastoo Magaalada Beledweyne maalintii labaad degan tahay hadana wali waxaa jira cabsi la xiriirta dagaal mar kale dhaca, waxaana halkiisa ka sii socda barakac dadka rayidka ah ee ka ag-dhaw goobaha ay fariisimaha ku lee yihiin Ciidamada Itoobiya.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia