5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 15, 2007
Shirkii Dib u heshiisiinta Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo la soo gebagebeeyay

Isniin, October 15, 2007(HOL):  Mudo 8 Maalmood ah kadib waxaa la soo afjaray Wada-hadalo Degmada Ceel-buur ee Gobalka Gal-gaduud uga socday  Odayaal iyo Wax-garad ka kala tirsanaa Beelaha Murusade iyo Xawaadle oo ay kala hogaaminayeen Ugaasyada labada Beelood Ugaas C/qaadir Ugaas Xaashi ( Faracade) iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif, oo sidoo kalana ay wehliyeen Ugaasyada Beelaha Ceyr iyo Duduble Ugaas Xasan Ugaas Max'ed iyo Ugaas Ciise Ugaas Faarax.

 

Kulanka oo ka dhacay Xarunta Xirta Shiikh Max'ed Faarax ee Degmada Ceel-Buur ayaa waxaa si weyn looga dooday Qodobo Xasaasi ahaa islamarkaana Saldhig u ahaa inta badan colaada labada Beelood, waxaana ugu horeyntii kulanka  lagu bilaabay hadalo guubaabo u badnaa oo ay jeediyeen Duubabkii dhaqanka ee ka qeyb-galay wada-hadalada labada beelood kuwaasoo ka codsaday Wax-garadka Beelaha Murusade iyo Xawaadle in ay soo saaraan hishiiis dhab ah oo wax weyn ka tari kara dhameynta khilaafka u dhaxeeya.

 

Intaas kadib waxaa si rasmi ah u furmay kulanka oo ah mid si toos ah u dhaxmarayay wax-garadka Beelaha Murusade iyo Xawaadle iyaga oo ka dooday Qodobo u badnaa wax keenay khilaafka iyo cida jabisay hishiis horay ay u gaareen labada beelood, Sidoo kale waxaa la soo bandhigay intii ay doodu socday wax-yaabaha laysku hayo ee dhibaatadu ka taagan tahay oo u badnaa wadaaga Daaqa, Biyaha iyo Marinka, oo la sheegay in ay yihiin kuwa ugu daran ee khilaafka dhaliyay.

 

Wax-garadka Beesha Xawaadle  Kulanka uga qeyb-galay ayaa ku eedeeyay dhinaca Beesha Murusade in ay Jabiyeen heshiis horay loo gaaray isla markaana ay soo Faageen Godkii Labada Ugaas ku aaseen colaadda labada beelood taasoo dhinaca Beesha Murusade garwaaqsadeen,  Sidoo kale Odayaasha Beesha Murusade ayaa dhinacooda ku eedeeyay Beesha Xawaadle in ay iska hortaageen wadaaga Daaqa iyo Biyaha taasoo ah tan keentay in khilaafku mar kale dhasho.

 

Qodobadaas oo ahaa kuwii ugu badan ee hareeyay kulanka ayaa ugu danbeytii laysku af-gartay waxaana qolo walba ay qaadatay in ay iyadu laheyd qaladka wax-yaabaha lagu eedeeyay,.

 

Doodda markii ay dhamaatay layskuna Af-gartay wax-yaabihii laysku hayay ayaa ugu danbeytii si saraaxad leh looga wada hadlay khasaarahii Naf iyo Maal ee ka dhashay dagaalada dhacay gaar ahaan dadkii ka dhalintay Labada dhinac kuwaasoo la mariyay sida shareecada Islaamku qabto, halka qasaaraha dhinaca Maalka ahna loo dhaafay in lagu soo sameeyo Qiimeyn gaar.

 

Xubno ka tirsan Jaaliyada Yurub ee labada Beelood oo goob joog ka ahaa wada-hadalada ayaa siweyn waxaa ay u soo dhaweeyeen hishiiska ay gaareen Wax-garadka labada beelood iyo waliba sida ay uga doodeen qodobadii laysku hayay iyada oo aysan jirin cid u dhaxeeysa, waxaana ay sheegeen in wax yaabaha laysku af-gartay dib ugu celin doonaan Xubihii ay ka soo tageen oo sida ay sheegeen aad u xiiseynaya hishiis laga gaaro colaada labada beelood.

 

Ugaas C/qaadir Ugaas Faracade iyo Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo iyaguna ka hadlay gaba-gabada kulanka ayaa sheegay in hishiiska hada la gaaray uusan noqon mid la mid ah kii kol hore lagu gaaray Degmada Maxaas ee la bur buriyay,  Ugaas C/qaadir Faracade ayaa sheegay in wax-yaabihii dhaxmaray labada beelood lagu tilmaami karo kuwo aan u qalmin in ay isku sameeyaan beelo Ood-wadaag ah Daagaanka iyo Daaquna ka dhaxeeyo, waxaana uu intaa ku daray cidii jabisa hishiiskan la gaaray in aysan ka faa'idi doonin.

 

Si kastaba arrintu ha ahatee, Heshiiska Beelaha Murusade iyo Xawaadle oo ahaa mid siweyn isha loogu wada hayay ayaa lagu soo gabo gabeeyay dibad-bax ka dhacay Xarunta Maamulka Gobalka Hiiraan oo ay ka soo qeyb-galeen qeybaha bulshada ku dhaqan Magaalada B/weyn waxaana halkaa kula hadlay wax-garadkii ka qeyb-galay kulankii Degmada Ceel-buur.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Beledweyn, Somalia