4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2007
Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo sheegay in Afhayeenkii dhaqanka ee Golahaas loo gacan geliyay Saraakiil Itoobiyaan ah

Sabti, November 17, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray waxaa uu ku sheegay in Afhayeenka dhaqanka Golahaas Axmed Diiriye Cali ay Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka u gacan celiyeen Saraakiil Itoobiyaan ah oo iyana u gudbiyay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
 
Warsaxaafadeedka uu Golaha soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in Taliyaha Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed Jen. Maxamed Warsame Darwiish uu Afhayeenka Beelaha Hawiye u gacan geliyay Saraakiil Itoobiyaan ah, iyadoo taasina uu golaha ku tilmaamay mid dhibaato keeni doonta oo uga  sii dareysa dhibaatada ka jirta Soomaaliya.

Sababta loo xiray Axmed Diiriye ayuu Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ku sheegay in ay la xiriirto iyadoo ay Dowladda Federaalka ka soo horjeedo in la sheego tacaddiyada ay Ciidamadeeda iyo kuwa Itoobiya  ka geysanayaan Magaalada Muqdisho, waa sida warsaxaafadeedka lagu xusaye.

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in xoriyaddiisii dib loogu soo celiyo Axmed Diiriye Cali oo dhawaan gurigiisa oo ku yaala agagaarka Suuqa Bakaaraha ay ka kaxeysteen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya.

11-kii bishan ayay ahayd markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gurigiisa ka kaxeysteen Afhayeenka Dhaqanka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye, labo wiil oo uu dhalay iyo weliba xubin ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, waxaana tan iyo xiligaas soo baxayay baaqyo loo jeedinayo Dowladda Federaalka oo looga dalbayo in ay sii deyso Axmed Diiriye Cali oo muddo todobaad ku dhow u xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye waxaa uu warsaxaafadeedkiisa ku cambaareeyay shaqo joojinta ay Dowladda Federaalka ku soo rogtay waqti aan la cayimin Idaacadaha Shabeelle, Banaadir iyo Simba, iyadoo falka lagu aamusiyay Idaacadahaasna uu Golaha ku tilmaamay mid lid ku ah Xoriyadda hadalka iyo xaqa ay dadka u leeyihiin in ay fikirkooda dhiibtaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia