4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2007
Markab Dagaal oo ay leedahay Dowladda Faransiiska oo bilaabay in uu ilaaliyo Maraakiibta Mucaawinada u wada Soomaaliya
Sabti, November 17, 2007(HOL):  Markab Dagaal oo ay leedahay Dowladda Faransiiska ayaa wuxuu bilaabay in uu  Kooxaha Burcad Badeedka ah ka ilaaliyo Maraakiibta Gargaarka Bani’aadannimo u wada Soomaaliya.
 
Wasiirka Difaaca Dowladda Faransiiska Mr. Herve  Morin oo wariyayaal kula magaalada  PAU oo ku taala Koofur-Galbeed ee Dalka Faransiiska ayaa sheegay in Markabka ay u direen Xeebaha Soomaaliya uu howl bilaabay, isla markaana uu markabkii ugu horeeyay oo gargaar bani’aadannimo u sida Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) uu u galbiyay dhinaca Soomaaliya.
 
Wasiirka oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in Xeebaha Soomaaliya ay ka dhaceen 22 Weerar oo ay Kooxo Burcad Badeed ah ku qaadeen Maraakiib ay ku raran yihiin Mucaawino loo waday Dad ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay Wasiirka  in haatan wixii ka dambeeyay aysan jiri doonin Maraakiib la af-duuban doono.
 
Madaxweynaha Faransiiska Nicolas Sarkozy ayaa bishii September ee aynu ka soo gudubnay waxaa uu Xarunta Qaramada Midoobay ee New York ka sheegay in Dowladdiisa ay Xeebaha Soomaaliya u direyso Markab ay Ciidamo saaran yihiin oo maraakiibta Gargaarka Bani’aadannimo wada ka ilaalin doona Kooxaha Burcad Badeedka ah.
 
“Waxaan rajeyneynaa in tallaabada aan qaadnay ay ku dayan doonaan awoodo kale oo nagula soo biiri doona howsha aan ka heyno Xeebaha Soomaaliya”sidaas waxaa mar kale yiri Wasiirka Difaaca Dowladda Faransiiska Mr. Herve Morin.
 
Dhawaan ayay ahayd markii sidoo kale ay Dowladda Mareykanka Markab Dagaal u soo dirtay Xeebaha Soomaaliya, kaasi oo suurtageliyay in ay la sii daayo Maraakiib iyo Shaqaale in muddo ah lagu heystay Xeebaha Soomaaliya, kuwaasi oo ay heysteen Kooxo Burcad Badeed ah oo doonayay in Maraakiibta iyo Shaqaalaha ay heystaan laga siiyo lacag madax furasho ah.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maraakiibta ay Dowladaha Mareykanka iyo Faransiiska u soo direen Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo ay Hay’adda Cuntada Adduunta WFP ay in muddo ah ku cel celineysay codsi ah in la helo awood ka  difaacda Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Xeebaha Soomaaliya ku sugan, kuwaasi oo dhowr jeer qafaashay Maraakiib u kireysnaa oo raashin Mucaawino ah waday.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia