3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2007
Qaraxyo saaka ka dhacay magaalada Muqdisho

Sabti, November 17, 2007(HOL): Labo qarax oo kala ahaa Bam Gacmeed iyo Miinada dhulka lagu aaso ayaa saaka waxay ka dhaceen Magaalada Muqdisho oo maalmahan xaaladdeeda ay ahayd mid degan oo aaney qaraxyo iyo iska hor-imaadyo ka jirin.

Qaraxa loo adeegsaday Bambo gacmeedka ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugan inta u dhaxeysa Isgoysyada Aadan Cadde iyo Xarar-yaale.
 
Qof goob-jooge ahaa oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa wuxuu sheegay in Bambada qaraxday uu tuuray mid ka mid ah labo caruur ah, kuwaasi oo ay Ciidamada Dowladda garan waayeen markii ay dhexgaleen Dadkii halka qaraxa ka dhacay ka kala cararay.

Qaraxaas ayaa wuxuu sababay in dadkii socotada ahaa ee saaka u shaqo u tegayay Suuqa Bakaaraha loo diido in ay maraan inta u dhaxeysa Isgoysyada Xarar-yaale iyo Aadan Cadde, iyadoo markaasi kadibna la arkayay Dad aad u tiro badan oo xaafadaha dhexdooda marayay, si ay u gaaraan goobahooda ganacsiga.
 
Qarax kale oo la sheegay in loo adeegsaday Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa saaka wuxuu ka dhacay Deegaanka Nasteexo ee Degmada Madiina, iyadoo qaraxaasina lala beegsaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaas fariisin ku leh.

Goob-jooge lagu magacaabo C/qani Shiikh Maxamed ayaa Idaacadda Capital Voice u sheegay in qaraxaasi ay waxyeello ka soo gaartay Dad 6 ruux gaaraya, kuwaasi oo isugu jira Ciidamadii Dowladda ee fariisinkaas ku sugnaa iyo Dad Rayid ah oo saarnaa gaari Bus ah oo halkaas marayay.

Qaraxyadan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo muddo todobaad ah ay xaaladda Magaalada Muqdisho ahayd mid degan oo aysan ka jirin iska hor-imaadyadii u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya isku dhinac ah iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia













Click here
11/17/2007 7:19 AM EST
Sabti, November 17, 2007(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa warsaxaafadeed uu maanta soo saaray waxaa uu ku sheegay in Afhayeenka dhaqanka Golahaas Axmed Diiriye Cali ay Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka u gacan celiyeen Saraakiil Itoobiyaan ah oo iyana u gudbiyay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

11/17/2007 4:15 AM EST
Sabti, November 17, 2007(HOL): Markab Dagaal oo ay leedahay Dowladda Faransiiska ayaa wuxuu bilaabay in uu Kooxaha Burcad Badeedka ah ka ilaaliyo Maraakiibta Gargaarka Bani’aadannimo u wada Soomaaliya.

11/17/2007 3:32 AM EST
Sabti, November 17, 2007(HOL): Jimco, November 16, 2007(HOL): Alle ha u naxariistee waxaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho shalay gelinkii dambe ku geeriyootay marxuumad Madiino Maxamuud Cilmi Madiino (Janaraal) oo ka mid ahayd Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha.

11/17/2007 3:29 AM EST
Sabti, November 17, 2007(HOL): Ciidamada Uganda ee fariisinka ku leh Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa weeraray Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, sida uu sheegay Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur).

11/17/2007 3:26 AM EST
Sabti, November 17, 2007(HOL): Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Warfaafinta ee Golaha Baarlamaanka, ahna ku simaha Guddoomiyaha Xildhibaanad Saynab Max'ed Caamir ayaa war cad oo ay ka soo saartay magaalada Baydhabo kaga hadashay markii ugu horeysay xirnaanshaha qaar ka tirsan Idaacadaha ka howl gala Gobolka Bannaadir, kuwaasoo ay xireen Waaxaha Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.