4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2007
Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal) oo u geeriyootay dhaawac soo gaaray xili ay mucaawino u qeybineysay Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho


Sabti, November 17, 2007(HOL): Jimco, November 16, 2007(HOL): Alle ha u naxariistee waxaa Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho shalay gelinkii dambe ku geeriyootay marxuumad Madiino Maxamuud Cilmi Madiino (Janaraal) oo ka mid ahayd Haweenka Horseedka Nabadda iyo Nolosha.
 
Marxuumadda ayaa u geeriyootay dhaawac soo gaaray xili ay Raashin Mucaawino ah u qeybineysay Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku nool Agagaarka Jaamacaddii Beeraha ee ku taala inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.
 
Saaka ayaa meydka marxuumadda lagu aasay Qabuuraha Macallin Nuur ee ku yaala deegaanka Km13, waxaana aaskeeda ka qeybgalay Dad aad u faro badan oo isugu jiray Ehelladeeda iyo weliba asxaabteedii Bulshada Rayidka.
 
Madiino Janaraal ayaa waxay ka mid ahayd Haween u ololeeya in ay Nabad iyo Nolol helaan Dadka ku dhaqan Gobolka Banaadir, waxayna howshoodaas bilaabeen xiligii Dowladdii Carta, iyagoo dib u furay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir oo muddo dheer xirnaa, kaasi oo ilaa iyo haatan si lacag la’aan ah loogu daweeyo Haween iyo Caruur badan oo qaarkood ay ka yimaadaan meelo fog.

Sidoo kalena waxay fureen Dugsiyo ay wax ku bartaan dadka aan awoodin in ay wax ka bartaan Dugsiyada lacagta lagu dhigto, waxay dib  u howlgeliyeen Waddooyin maritaankooda laga baqi jiray oo Muqdisho ku yaala, waxaa kaloo lagu xusuustaa haweenkan in ay hub ka dhigis iyo dhaqancelin ku sameeyeen Dhalinyaro Soomaaliyeed oo hubeysnaa oo geysan jiray falal isugu jira dhac, dil iyo kufsi, kuwaasi oo markii ay dhaqanceliyeen ay u abuureen mehrado shaqo, sidoo kalena waxay sameeyeen Ciidamo xaafadeedyo suga ammaanka xaafadahooda, kuwaasi oo shaqeyn jiray wixii ka horeeyay xiligii Maxkamadihii Islaamka.

C/llaahi Calas Jimcaale oo ka mid ah Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, isla markaana marxuumadda si weyn u yaqiinay ayaa sheegay in marxuumad Madiino Janaraal ay ahayd qof u ololeyn jirtay sidii loo gargaari lahaa dadka dhibaateysan, sidoo kalena waxaa uu xusay in ay ahayd qof door muhiim ah ka ciyaareysay sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.

“Alle ha u naxariistee Madiino Janaraal waxay geeriyootay iyadoo gargaar u qeybineysay Dad ka barakacay Magaalada Muqdisho oo ku sugan inta u dhaxeysa Xamar iyo Afgooye, waxaana leenahay Shacabka Soomaaliyeed, Ururrada Bulshada Rayidka iyo Qoyskii iyo Qaraabadii ay ka geeriyootay samir iyo iimaan Alle haka siiyo”ayuu yiri C/llaahi Calas Jimcaale oo sidoo kale ah madaxa baarista Xadgudubyada Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Alle ha u naxariistee Madiino Janaraal ayaa waxay u geeriyootay dhaawac ka soo gaaray Xabad uu riday  mid ka mid ah Rag ilaalo ka hayay halkii ay Mucaawinada ku  qeybineysay, iyadoo goobtii ay marxuumadda ku dhaawacantayna uu ku geeriyooday Nin ay ka soo dustay xabadda dhaawacday marxuumadda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia