4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2007
Ciidamada Uganda oo xalay lagu weeraray mid ka mid fariisimada ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho

Sabti, November 17, 2007(HOL): Ciidamada Uganda ee fariisinka ku leh Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa weeraray Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, sida uu sheegay Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur).

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dhawaan loo magacaabay Afhayeenka Al-Shabaab waxaa uu sheegay  in ay Ciidamada Uganda weerari doonaan mar kasta oo ay fursad u helaan, isagoo ku eedeeyay in aysan Soomaaliya u imaanin in ay Nabadgelyo sugaan, “Ciidamada Uganda uma imaanin nabadgelyo in ay sugaan, haddii ay nabadgelyo sugayaan intee jireen markii shacabka Soomaaliyeed la xasuuqayay oo guryahooda la gubayay, waxaana leenahay dalkiina u noqda, idinma rabno, haddii aad u noqon weysaana waxaad ku noolaan doontaan cabsi, wel wel iyo dhafar, annaga waxaad naga sugeysaan in aan idin garaacno mar kasta oo aan fursad u helno”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Ciidamada Uganda oo Isgoyska KM4 ka degan Shineemo Ekwatoore, Safaaraddii Masar iyo Daarta Tahliil Warsame ayaa iyaguna markii fariisinkooda la weeraray waxay fureen rasaas aad u tiro badan, waxaana lagu soo waramayaa in is-rasaaseynta dhexmartay labada dhinac ay waxyeello ka soo gaartay Caruurta Derbiyo-jiifka ah ee seexda gidaarada ku dhow Isgoyska KM4.
 
Weerarkan lagu qaaday Ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Hoggaamiye ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay sheegeen in ay Ciidamada Itoobiya iyo Ciidamada Uganda ay isugu mid yihiin, isla markaana ay si isku mid ah u weerari doonaan, “Ciidanka Uganda, kan Itoobiya iyo midka Mareykanka waa noo siman yihiin, weyna nagu soo duuleen, kuligood waan la dagaalameynaa, Ciidamada Uganda ayaan leyneynaa, Saraakiishooda ayaan leyneynaa, Baabuurtoodaa ayaan baabi’ineynaa, kooda Siyaasiga ah oo Diblumaasiga ah waan dileynaa, Mujaahidiintana waxaan leeyahay Ahdaaftiina koowaad haka mid noqdeen Ciidamada Uganda, kuwa kale oo imaanaya oo hadda la soo wado oo Burundi iyo Afrikaanta kalena Bi’idnillaahi tacaalaa qaanadaas ayay gelayaan”ayuu yiri Aadan Xaashi Ceyrow oo cod laga soo duubay lagu shaaciyay Baraha Internet-ka.

Ugu dambeyntiina, waa weerarkii ugu horeeyay oo Ciidamada Uganda si toos ah loogu qaado tan iyo markii ay horaantii sanadkan soo gaareen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, inkastoo ay jirtay mar miino loo dhigay Wadada Dhinaceeda ay kaga geeriyoodeen Afar Askari, halka Shan kalena ay kaga dhaawacmeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia