5/10/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2007
Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha Ugaas oo cambaareeyay Dalalka Kenya iyo Koofur Afrika

Isniin, 11, Jun, 2007 (HOL) Ururka daryeelka Caruurta iyo Xuquuda Aadanaha ee Ugaas Khaliif fadhigiisuna yahay Magaalada B/weyn ayaa hadal qoraal ah oo uu soo saaray waxaa uu Siweyn ugu canbaareyay Dowladaha Kenya iyo K/Africa oo sida Qoraalka lagu sheegay si aan wanaagsaneyn ula dhaqmay dadka Soomaaliyeed ee siyaabaha kala duwan u tagay dalalkooda.

Qoraalka uu soo saaray Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuda Aadanaha ee Ugaas Khaliif oo ahaa mid aad u dheer ayaa ugu horeyn looga hadlay Dowlada Kenya oo sida lagu sheegay Warbixinta Xili aan ku habooneyn ka xiratay Xaduuteeda dadka Soomaaliyeed ka cararay Dagaaladii ugu daneeyay ee dalka ka dhacay kuwaasoo doonayay in ay magan galaan Dowlada Kenya.

Aritaa ayaa warbixinta lagu sheegay in ay tahay mid aan wanaagsaneyn Gaar ahaan marka loo eego Baaq Caalimiga ah ee ka hadlaya Arimaha Xaquutiga oo Qodobkiisa 14 sida warbixitu sheegtay uu dhigayo Qofkasta in uu Xaq u leeyahay in uu Dowlad kale weydiisto Magan galyo kuna noolaado si uu uga bad-baado dhibaatooyinka ka taagan dalka uu markaa ka soo hayaamay.

Sidoo kale waxaa ay wabixitu ka codsatay Dowlada Kenya in ay hoos u eegto dhibaatada ka imana karta xayiraada dadka Qaxootiga ah maadamaa dadkaasi yihii kuwo marka laga soo tago dhibaatada dagaalka qaba daruufo kale oo nolaleed.

dhinaca kale Warbixinta uu soo saaray Ururka Daryeelka Caruuta iyo Xuquuqda Aadaha ee Ugaas khaliif waxaa ay ku Eedeysay Dowlada K/Africa in siyaabo ka baxsan arimha Bani'aadan nimada kula dhaqanto dadka Soomaalida ah ee howlaha shaqo u jooga dalkaasi.

Gaar ahaan waxaa warbixinta lagu soo qaatay dilalkii ugu danbeeyay ee ka dhacay Dalkaasi taasoo lagu sheegtay in uu ahaa dil laga xumaado qaabka uu u dhacay iyada oo labo dhalin yaro ah oo lagu kala magacaabi jiray Cali Qoraxey iyo Cilmi Cismaan Yuusuf lagu gubay goobtoodii Ganacsi.

waxaa sidoo kale iyana jira marka laga soo tago dililka loo geysanayo dadka Soomaalida ah warbixintu sheegtay in cadaadis iyo dacadiyo ka baxsan Xuquuqda Aadanaha ay kula kacaan dadka u dhashay Dalka Xili dowladuna aysan qaadin talaabo muuqata oo arintaa wax lagaga qabanayo.

Madaxa Ururka daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ugaas Khaliif Max'ed Cismaan (Timo Jilic ) waxaa uu sheegay in looga fadhiyo Safaaradaha Soomaaliya ee dalalkaasi ku yaala in ay wax ka qabtaan dhibatooyinka soo noq-noqonaya, gaar ahaan waxaa uu Madaxa ururku ku cel celiyay Arimaha ka dhacaya dhinaca K/Africa isaga oo sheegay in wax loo dul qaadan karo aysan aheyn in dad aan waxba galabsan kuna gudaha jiro howlahooda shaqo la gubo, sidoo kale waxaa ay warbixitu fariin u jeedisay Dowlada Soomaliya iyada oo ka codsatay in ay kula Xisaabtanto dalka K/Africa dilalka Micno darada ah ee lagula kacayo dadka Soomaalida ah,

Sanadihii ugu danbeeyay ayaa la oran karaa dadka Soomaaliyeed Marka laga soo tago dhibaatadii ka soo gaartay dagaaladii kala duwanaa ee ka dhacay gudaha dalka waxaa ay ahaayeen kuwo sidoo kale dacadiyo aan taa wax badan ka duwaneyn kala kulma dalalka ay u hayaameen, iyadoo ay intaa dheertahay dhinaca bada oo si naxariis daro ah loogu daadsho marka ay damcaan in ay u gudbaan dalalka carabta sida Yaman oo kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia