4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 11, 2007
Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya oo maanta Meydkiisa si heer Qaran ah loogu aasay Deegaan Ceel Carfiid


Isniin, June 11, 2007HOL): Meydka Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan oo dhawaan ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa maanta si heer Qaran ah loogu aasay Deegaanka Ceel Carfiid ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Meydka Madaxweynaha oo laga soo qaaday magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa markii loo soo duulinayay Magaalada Muqdisho waxaa soo sagootiyay safiirro iyo wakiillo dalalka Beesha Caalamka u jooga magaalada Nairobi, sida uu HOL u xaqiijiyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Ambassador Maxamed Cali Ameerika oo isagu meydka wax ka geeyay Magaalada Muqdisho.

Garoonka loogu magac-daray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho ayaa markii meydka madaxweynaha laga soo dejinayay waxaa ku sugnaa madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi iyo weliba Cali Mahdi Maxamed iyo C/qaasim Salaad Xasan oo iyaguna Soomaaliya Madaxweynayaal u noqday, kuwaasi oo si heer Qaran ah u maamuusay madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Intaas kadib Meydka Madaxweynaha ayaa Salaadda Janaasada lagula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka, halkaasi oo ay isugu tageen dadweyne aad u faro badan iyo weliba mas'uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka iyo Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, waxaana kadib loo qaaday dhinaca halkii lagu aasi lahaa oo noqotay Deegaanka Ceel Carfiid oo Qabri looga diyaariyay.

Waxaa xusid mudneyd in ay Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan ay maamuuskiisa ka qeyb-qaateen Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo Gaadiidkooda ay ka mid ahaayeen Gaadiidkii Meydka Madaxweynaha u qaaday dhinaca Ceel Carfiid.

Isu socodka Dadka iyo Gaadiidka Dadweynaha ayaa laga joojiyay Waddada Jamhuuriyadda iyo Wadada Balcad, waxaana waddooyinkaas lagu arkayay dadweyne xaafadaha dhexdooda ka eegaya gaadiidka la socda Meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Sababta loo hakiyay isu socodka gaadiidka iyo dadweynaha ayay saraakiisha Dowladda Federaalka u qaabilsan dhinaca aammanka ay noo sheegeen in ay la xiriirto sugidda ammaanka madaxda dowladda oo iyagu ka qeybgalay aaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.

Aaska Madaxweynihi hore ee Soomaaliya ayaa waxaa kale oo ka qeybgalay xubno ka socday labada gole ee Dowladda Federaalka, maamulka Gobolka Banaadir, Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed, kuwa Baambeyda ee Muusikada iyo weliba Culumaa"udiin ka tirsan dariiqada Ahlu Sunna Wal-jamaaca, kuwaasi oo uu horkacayay Macallin Nuur Maxamed Siyaad.

Meydka Madaxweynihii ugu horeeyay ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan ayaa si Qaran oo aad u heer sareysay loogu aasay Deegaanka Ceel Carfiid, halkaasi oo looga diyaariyay meel lagu aaso, inkastoo Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan go'aamiyeen in meydka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya lagu aaso Qabuuraha Jen. Daa'uud ee Degmada Wardhiigley.

Haddaba Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan Nin ceynkee ah ayuu ahaa?. Alle ha u naxariistee marxuum Aadan Cabdulle Cusmaan oo da'diisu ay ahayd 99 sano waxaa taariikhdiisa ka hadlay C/risaaq Xaaji Xuseen oo mar Ra'iisal Wasaare ka noqday Xukuumaddii Madaxweyne Aadan Cadde, kaasi oo ay BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga wareysatay.

C/risaaq Xaaji Xuseen waxaa uu sheegay in madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ay soo wada shaqeeyeen uu ahaa nin aan masaalkiisa oo kale aan la arkin, wuxuuna ku sii sifeeyay in uu ahaa nin wadani ah oo aan eex iyo qabiil aqoonin, kaasi oo ay dadka Soomaaliyeed is-tusiyeen sida uu cadliga u sameeyay.

Sidoo kalena, waxaa taariikhda madaxweynihii hore ee Soomaaliya ka hadlay Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, kaasi oo sheegay in alle ha u naxariistee madaxweyne Aadan Cadde uu lahaa sifooyin uu ka xusay: in uu howl-kar ahaa, in uu ahaa qof ay Wadaniyadda ku weyn tahay, in uu ahaa nin Madax ah oo ku dhaata Dastuurka Dalka u yaala, in uu ahaa Qof Nabadgelyada aad u jecel, in uu ahaa Qof ka soo horjeeday musuq-maasuqa iyo in uu ahaa Il-bax Dowlad-wanaaga ku dhaqmay.

Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cusmaan oo ku dhashay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan sanadkii 1908-dii waxaa uu xiligii uu dalka burburka ku jiray uu ku noolaa gurigiisa ku yaala Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelada Hoose, wuxuuna shalay oo taariikhdu ahayd 08/06/2007 uu ku geeriyooday Isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.





Halkan ka fiirso Sawirro kale oo aaska ku saabsan

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia