4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2007
Cali Mahdi oo ka hadlay Ajendayaasha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed

Isniin, July 16, 2007(HOL): Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay Ajendayaasha Shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee shalay ka furmay Magaalada Muqdisho.

 

Cali Mahdi waxaa uu sheegay in Ajendaha Shirka uu yahay in ay marka hore Beelaha Soomaaliyeed ka heshiiyaan khilaafaadyadii iyo Colaadihii dhexmaray, kadibna loo gudbo xalinta Khilaafaadyada Siyaasadeed ee ka taagan Dalka Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed Cali Mahdi Maxamed waxaa uu sheegay in sababtii loo hakiyay sii socoshada shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ahayd iyadoo aaney soo wada dhameystirmin ergooyinkii shirka ka qeybgeli lahaa, kuwaasi oo tiradoodu gaareyso 1325 ergay, halka haatanna ay Muqdisho ku sugan tahay 915 ergay.

 

“Waa in aan sugnaa Ergooyinka aan weli Muqdisho imaanin, waayo waxaan rabnaa in ay doodaha shirka bilowdaan, iyadoo ay wada joogaan ergooyinka Shirka ka qeybgalaya”ayuu yiri Cali Mahdi Maxamed oo waxba kama jiraan ku tilmaamay in madaafiic hoobiyayaal ah lagu carqaladeeyay xafladdii furitaanka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Hadalka Cali Mahdi Maxamed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Qaar ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye oo aan raali ka ahayn qaabka loo qabanayo shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay ku doodayaan in shirka loo bedelo mid siyaasadeed, halka Cali Mahd-na uu sheegayo in shirka wejigiisa labaad loo gudbi doono ka heshiinta khilaafaadyada Siyaasadeed.

 

Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee maalintii shalay ahayd ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa qabashadiisa dib loo dhigay muddo labo jeer ah, kadib markii uu soo daahay dhaqaalihii shirka lagu qaban lahaa oo Beesha Caalamka laga sugayay, sidoo kalena uu ammaanka Magaalada Muqdisho ahaa mid aan wanaagsaneyn.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaa xusid mudan in shalay markii la furayay Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay madaafiic ku dhaceen meel aan u dheereyn xarunta Shirka uu ka socday, iyadoo taasina ay si weyn u cabsi gelisay Ergooyinkii Shirka ka qeybgelayay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia