4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2007
Dagaal dhexmaray labo beelood oo wada dega qeybo ka mid ah Xadka Gobolka Hiiraan uu la leeyahay Ismaamulka Itoobiya oo dad badan ay ku dhinteen

Khamiis, February 22, 2007(HOL): Wararka soo baxaya  halka lagu magacaabo (Baar Magoog ) oo ka tirsan dhulka ismaamulka soomaalida Itoobiya  ayaa sheegaya in dagaal dhaxmaray labo beelood oo halkaa wada degta ay ku geeriyoodeen ku dhawaan 9 ruux halka intaa ka badana uu dhaawac ka soo gaaray.

 

Wararka arintaa ku saabsan oo ay kala xiriirtay  HOL Ilo kala duwan ayaa waxaa ay xaqiijinayaan in dagaalku jiro islamarkaana uu ka dhashay warbiyood halkaa ku yaala oo reer miiga labada boolood ay ka wada cabaan,  waxaana warku intaa ku darayaa in uu jiray khilaaf hore uu dhaxeeyay labada beelood.

 

Markii uu dagaalku dhacay kadib ayaa sida wararka ka soo baxaya goobta lagu dagaalamay  sheegayaan halkaa gaaray  ciidamada dowlada itoobiya oo kala dhax-galay labada dhinac islamarkaana ku amray in si deg deg ah dirirta loo joojiyo,  waxaane sidoo kale ciiidamadu sida wararku tilmaamayaan mudo gaaban xayireen isticmaalka  warbiyoodka dagaalku ka dhashay.

 

Labada beelood oo deegaan ahaa wada dega Gobalka hiiraan iyo waliba qeybo ka mid ah dhulka ismaamulka soomaalida itoobiya ayaa marar badan  laysku dayay in la soo afjaro khilaafka u dhaxeeya walow aan lagu guuleysan marka loo eego dagaalka hada dhacay.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Beledweyn, Somalia