4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2007
Mas'uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka iyo Bulshada Rayidka oo ka wada hadlay Xaaladda Magaalada Muqdisho

Khamiis, February 22, 2007(HOL): Mas'uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka iyo Bulshada Rayidka Gobolka Banaadir ayaa maanta isugu yimid shir looga hadlayay xaaladda Magaalada Muqdisho oo maalmahan ah mid aad u kacsan.

Shirka oo uu Dhinaca Dowladda Federaalka uga qeybgalay Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere ayaa waxaa looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa xaaladda nabadgelyo ee magaalada Muqdisho iyo sidoo kale sidii ay isu kaashan lahaayeen Dowladda Federaalka iyo Ururrada Bulshada Rayidka.

Inj. Suudaan Cali Axmed oo ka mid ahaa xubnihii Bulshada Rayidka ee kulanka ka qeybgalay ayaa saxaafadda u sheegay in waxyaabihii ugu waa weynaae ay kala hadleen Dowladda Federaalka ay ka mid ahaayeen in ay Dowladda Federaalka ka deyso dadka Shacabka ah Madaafiicda waa weyn ee ay jawaab ahaanta ugu rideyso, taasi oo ay aqbaleen xubnihii Dowladda ka socday.

Inj. Suudaan waxaa uu intaas ku daray in sidoo kale la isla guddoonsaday in laga wada shaqeeyo sugidda ammaanka caasimadda Muqdisho, iyadoo shacabkana loogu baaqay in uu Dowladda la shaqeeyo, isla markaana uu dhinaciisa ka hortago kooxaha ka dambeeya falalka nabadgelyo darrada ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyntiina xubnihii ka socday Bulshada Rayidka iyo Dowladda Federaalka ee shirka isugu yimid waxay cambaareeyeen kooxihii ka dambeeyay dilal xalay Muqdisho loogu geystay Mas'uuliyiinta ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir, iyagoo tacsi u diray qoysaskii iyo eheladii ay marxuumiintaas la dilay ka geeriyoodeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia