4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2007
Ciidamada Dowladda Federaalka oo bilaabay in ay Masjidyada baaraan

Khamiis, February 22, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay yimaadeen Magaalada Muqdisho waxay bilaabeen in ay baaris ku sameeyaan masaajidyada, iyagoo hub iyo waxyaabo qarxa ka baaraya.

Masjidka Muuse Boqor ee ku yaala Degmada Waaberi ayay ciidamo ka socda Dowladda Federaalka baaris ku sameeyeen, wuxuuna C/raxmaan Maxamed oo ka mid ah dadka ku dhaqan nawaaxiga masjidkaas uu sheegay in ay Ciidamada Dowladda markii ay xaafaddooda tageen ay u sheegeen in ay masjidka ka baarayaan waxyaabo qarxa, iyagoo intaas ku daray in ay tuhunsan yihiin in weerarrada lagu qaado fariisimada dowladda laga soo abaabulo goobo uu ka mid yahay masjidka.

Muddo daqiiqado ah ayay Ciidamadu baarayeen masjidkaas, hayeeshee kama aysan helin waxyaabihii ay ku tuhmayeen, kadibna wey iska tageen, hayeeshee waxaa falkaas aad uga xumaaday dadka ku cibaadeysta masjidkaas oo qaarkood masjidka ku sugnaa markii ay Ciidamada gelayeen.

Falkaas waxaa ka dambeeyay fal kale oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka maalintii shalay ahayd ku xireen Khadiibkii Masjidka Isbaheysiga Islaamka Shiikh C/raxmaan Culusow (Shariifka), kaasi oo haatan u xiran Ciidamada Dowladda Federaalka, sida uu ku waramayo Guddoomiyaha Dalladda Culumaa'udiinka Soomaaliyeed Shiikh Axmed Dhicisow oo Khadiibka la joogay markii ay kaxeysanayeen Ciidamada Dowladda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia