4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2007
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo eedeyn u jeedisay Hay'adaha Samafalka

Khamiis, February 22, 2007(HOL): Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa ku eedeeyay Hay'adaha Samafalka in aysan waxba u qaban dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ku tasarufaan gargaarkii Soomaaliya loogu soo dhiibay.

Xasan Abshir waxaa uu sheegay in saraakiisha Hay'adaha Samafalka oo sida uu yiri Saro dhaadheer ka degan Nairobi, isla markaana ku socda Landcrouser-ro ay halkaas ku cunaan lacagtii loogu talagalay dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaatoobay abaarihii, fatahaadihii iyo colaadihii ku dhuftay Dalka Soomaaliya.

Wasiirka wuxuu intaas ku daray in haddii aaney Hay'adaha Samafalka bedelin qorshahooda ku wajahan Soomaaliya ay Dowladda Federaalka ka ceyrin doonto Dalka Soomaaliya, isagoo caddeeyay in lagama maarmi doono. Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya iyadoo mas'uuliyiinta Hay'adaha Samafalka ay sheegeen in aysan Soomaaliya uga howlgeli karin sabab la xiriirta in uusan jirin amni la isku haleyn karo oo ay ku shaqeyn karaan shaqaalaha Hay'adaha Samafalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ee haatan eedeynta u jeedineysa Hay'adaha Samafalka ayaanan wax weyn ka qabanin arrimaha Ammaanka deegaanada ay ka taliso, waxaana Magaalada Muqdisho oo ciidamadeeda ay ka sugan yihiin ka dhaca weerarro ka dhan ah iyo dilal loo geysanayo dad Dowladda ku jira iyo kuwo rayid ah oo loo dilo sabab la xiriirta aano qabiil iyo mararka qaarkood xoolo ay heystaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia