4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2007
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo lagu eedeeyay in uu lacag lunsaday


Khamiis, February 22, 2007(HOL): Xubnaha Guddiga Fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Muqdisho (EX-Daameey) ayaa waxay gunaanadkii shirkooda ka soo saareen hadal saxaafadeed ay ku sheegayaan in Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Muxyaddiin Xasan Cali (Darbaweyne) uu lunsaday lacag la soo siiyay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

Xubnaha Shirka Jaraa'id qabtay oo uu u hadlay Xoghayaha Guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta C/qani Saciid Carab ayaa waxay sheegeen in uu Guddoomiye Darbaweyne lunsaday lacag ka badan 100,000US$, taasi oo loogu talagalay shaqaalaha Garoomada Banaadir iyo Mogadisho Stadium iyo shirkado caawin jiray Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu jebiyay Axdiga u degsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta, sidoo kalena uu sameeyay xil ka qaadis uusan sharci u lahayn, isagoo wareegto uu soo saaray ku sheegay in uu xilkii kaga qaaday Xoghayaha Guud ee Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta C/qani Saciid Carab iyo Guddoomiyaha ku xigeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Maxamuud Nuur (Saciid Muganbe).

Sidoo kalena waxaa shirka jaraa'id lagu soo bandhigay warqad uu Muxyaddiin Darbaweyne u diray Xiriirka Kubadda Cagta Afrika, taasi oo uu ku sheegayay in aaney C/qani Saciid Carab iyo Saciid Maxamuud Nuur (Muganbe) aysan ka qeybgeli karin shir uu Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ku lahaa Magaalada Khartoum ee Dalka Suudaan.

Xubnaha Guddiga Fulinta ee eedeynta u soo jeediyay Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta ayaa sheegay in ay kiiska Guddoomiyaha ay horgeyn doonaan Shirweynaha Golaha Dhexe ee Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, si sharciga loogu qaado Guddoomiyaha.

Bishii May ee sanadkii hore ayaa Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ee haatan is-heysta lagu soo doortay xaflad ka dhacday magaalada Baydhabo, waxaana haatan muuqata in ay xubnihii xiriirka isku dhaceen, iyadoo aaney doorashadooda ka soo wareegan muddo sanad ah.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia