4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2007
Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Dowladda Federaalka oo shan ruux kala baxay guryahodo oo Muqdisho ku yaala

Khamiis, February 22, 2007(HOL): Shalay iyo xalay ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya waxay guryahooda oo Muqdisho ku yaala ka kaxeysteen ilaa shan ruux oo qaarkood ay yihiin Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya.

 

Dadka ay Ciidamadaas kaxeysteen waxaa ka mid ah Khadiibkii Masjidka Isbaheysiga Islaamka Shiikh Cabdiraxmaan Cabdi Culusow (Shariifka) oo isagu mudadii burburka masjidkaas gacanta ku soo hayay.

 

Lama yaqaano sababta ay Ciidamada u kaxeysteen Shiikh C/raxmaan oo dhanka kale ka mid ahaa Macallimiinta Jaamacadda Al-neelain ee Magaalada Muqdisho, hayeeshee waxaa loo maleynayaa in loo kaxeystay sabab la xiriirta in ay isku fiicnaayeen Mas’uuliyiintii Maxkamadihii Islaamka.

 

Seddex dhalinyaro ah ayaa iyaguna xalay laga kaxeystay Degmada Madiina, waxayna Faadumo C/llaahi oo deris la ah dhalinyaradaas ay sheegtay in ay kaxeysteen Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysnaa.

 

Sidoo kalena, habeenkii xalay ahaa waxaa  isna gurigiisa oo ku yaala Degmada Kaaraan laga kaxeystay Wadaad lagu magacaabo Shiikh Cabdi oo ka tirsanaa culumaa’udiinka deegaankaas, isla markaana taageersanaa Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka talinayay Magaalada Muqdisho iyo deegaano dhowr oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee magaalada Muqdisho ku sugan ayaa dhowr jeer oo hore waxay guryahooda uga kaxeysteen dad rayid ah, waxayna labo nin kala baxeen guri ku yaala Degmada Huriwaa, halka ay 8 nin oo kalena ay ka kaxeysteen guri ku yaala nawaaxiga KM4, walow markii dambe la sii daayay 8daas nin.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia