4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2007
Ciidamada Deg Degta u howlgala ee Dowladda Federaalka oo qabtay Kooxo doonayay in ay handadaad lacag kaga qaataan dadka Magaalada Muqdisho

Khamiis, February 22, 2007(HOL): Xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkay kooxo hubeysan oo doonayay in ay dadka deegaankaas lacag kaga qaataan qaab handadaad iyo cabsi gelin isugu jiray.

 

Kooxahan hubeysan ayaa waxay saarteen Guri Dabaq ah oo ku yaala xaafaddaas Madfac Hoobiye ah, kaasi oo ay sheegeen in ay u tuurayaan dhinaca Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka, si ay iyana ugu soo jawaabaan madaafiic culus.

 

Dadka ku dhaqan Xaafadda Black Sea ayaa mar kaliya walaac ka muujiyay arrintaas waxayna odayaasha deegaanka u tageen kooxihii Madfaca Dabaqa saartay, kuwaasi oo ay ka codsadeen in ay Madfaca meesha ka dejiyaan, isla markaana aysan xaafaddooda madaafiic ka dhex tuurin.

 

Kooxdii Hubeysneyd codsigaas waa ay ku gacan seyrtay, waxayna dalbadeen haddii ay meesha madfaca ka dejinayaan in la siiyo lacag, haddii kalena ay madfaca tuurayaan. Odayaashii Xaafadda dalabkaas waa u cuntami waayay, waxayna go’aansadeen in ay si qarsoodi ah u wacdaan Ciidamada Deg Degta u howlgala ee Dowladda Federaalka, kuwaasi oo dhowr daqiiqo kadib goobtii yimid, isla markaana qab qabtay raggii hubeysnaa ee Madfaca watay.

 

Tani waxay ahayd isbaaro nooc cusub ah oo aaney dadka Muqdisho horay u arkin, waxaana la xaqiijiyay in kooxahani aaney wax xiriir ah la lahayn kooxaha Madaafiicda ku tuura fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka balse ay ahaayeen kuwo doonayay in ay dadka handadaan si ay lacag baad ah uga qaataan.

 

Dhanka kalena, labadii habeen ee la soo dhaafay magaalada Muqdisho wax madaafiic ah lagama maqlin, dadkuna si nabadgelyo ah ayay u seexdeen, inkastoo ay mar kasta seexdaan iyagoo ay ku taagan tahay su’aal ah goorta ay bilaaban doonto madaafiicdii xooganeyd ee ay isku ridayeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda.

 

Xaafadaha Magaalada Muqdisho badankood haatan waxay sameysteen Ciidamo Madani ah oo ka hortaga kooxaha madaafiicda ka dhex tuura, waxaana labadii habeen ee la soo dhaafay ay ciidamada Madaniga ah si weyn u hanteen amniga Xaafadahooda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia