4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 29, 2007
Duqa Magaalada Laascaanood oo ka hadlay Xaaladda Maamul iyo Nabadgelyo ee Magaaladaas

Sabti, December 29, 2007(HOL): Maayarka Magaalada Laascaanood Axmed Daahir Xaaji Xasan  ayaa sheegay in dawlad hoose ahaan ay bilaabeen ururintii cashuuraadka kala duwan badhkood, Islamarkaana waxa uu eedayn u jeediyay odayaal magaalada Laascaanood ka soo saaray baaq ay ku sheegeen inaan xukuumadu wax la tashi ah kala samayn maamulka loo dhisay magaaladaasi.

“Cashuurtii magaalada waanu ka bilownay, haddii ay tahay tii gaadiidka soconaya laga qaadi jiray, haday tahay ta dhulka iyo haday tahay ta laga qaado xoolaha Sayladaha la keeno. Cashuurta dhamaan waan dhaqaajinay, marka laga reebo cashuur sanadeedka guryaha laga qaadi jiray iyo meheradaha waawayn. Wax dhibaato ah oo naga horyimina ma jiraan, waad garanaysaa meel maamul cusub yimi kolay dhibaatooyin iyo wax way iska jiraan. Laakiin, ilaa iyo hadda hawluhu meel fiican ayay noo marayaan, wayna noo socdaan.” ayuu yidhi Maayarku mar uu ka hadlayay ururinta Cashuuraha oo uu sheegay inay ka bilaabeen Magaalada Laascaanood.

Maayarku wuxuu dedafeeyay eedayn ay Odayaal ku dhaqan Magaalada Laascaanood u soo jeediyeen Xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen inaanay kala tashan Maamul u samaynta Magaalada Laascaanood.. Waxaanu mar uu ka jawaabayay eedayntooda uu yiri, “Waxaan kuu sheegayaa waa runtoodoo, lagalama tashan markii annaga nala magacaabayay. Meesha Puntland baa haysatay, kuwaa hadda baaqyada qorayaa waa kuwii Puntland-ta la shaqaynayay. Markaa waxa weeyaan iyada oo magaalada Puntland haysato oo kuwa baaqa qorayna sidaan dareensanahay ay Puntland la shaqaynayeen miyaa lagala tashan karaa.  suurto-gal ma tahay inta Laascaanood la yimaado in la yidhaahdo oo dawladu tidhaahdo hebel baan soo magacaabaynaa ee maxaa ka qabtaan?”.

Dhinaca Nabadgelyada, ayaa Maayarku sheegay inay degan tahay, hase ahaatee ay maalmo dhawayd jireen kooxo rasaas ka ridayay nawaaxiga Laascaanood, oo uu sheegay inay baadhitaan ku wadaan. “Arrintaa waa lagu daba jiraa, walina lagama hadhin, dadka qaar waxay leeyihiin waxay ahaayeen koox is-abaabushay, kuwo kalena waxay leeyihiin waa xubno rabshad uun u jeeday oo ilaha ka sareeya Laascaanood ee lugtu soo mari karto rabshada ka waday, waana lagu daba jiraa.” ayuu yidhi.

Sidoo kale Maayarku wuxuu ka hadlay ka qayb galayaashii Shirkii Boocame. “Arrintaa dad loo qab-qabtay way jiraan. Laakiin go’aankaa way ka noqdaanoo, nimankii waa waynaa magaca lahaa mabay iman, oo markay ogaadeen in hawshaasi jirto oo loo diyaar yahay” ayuu yidhi Mr. Axmed Daahir.
 
Barkhad Maxamuud Kaariye, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland