4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 9 , 2007
Dadkii Soomaalida ahaa ee ku xanibnaa Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe oo la sii daayay.
Isniin, April 09 (HOL) - Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee wadanka Uganda C/qaadir Faarax oo ay taageerayaan Soomaali badan oo wadanka Uganda degan ayaa ku guuleystay in ay soo daayaan dadkii ku xanibnaa Garoonka Diyaaradaha ee Entebbe Airport ee magaalada Kampala.

Siideynta dadkaan ayaa qaadatay muddo saacado ah, waxaana dadaalkaa oo markii dambe lagu guuleystay in lagu soo daayay dadkii ku dhibbaanaa halkaas, waxaana dadkaas oo hada ku sugan magaalada Kampala ee caasimada wadanka Ugada ay u mahaceliyeen Dowladda Uganda oo u fidisay gacan bini'aanimo.

Siihayaha Safaaradda oo aan arrimahaas kala sheekeystay ayaa ii sheegay in dadka ay soo qaldeen shirkadii xamar ka soo qaaday, waayo sida uu sheegay waxay dadkan wateen Ticket one way ama ah oo aan Back laheyn, wuxuuna Safiirku sheegay in arrinkaas uu qalad yahay, aysan jirin dowlad aqbali kartaa, wuxuuna sheegay in qaladkaas uu ahaa midka sababay in la xayiro dadkaas.

Dadkan oo ka soo baxsaday dagaalada qaraar ee ka socda Magaaladda Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa dowladda Uganda markii laga raali galiyay qaladka ay galeen dadkaas waxay ogolaatay in la fasaxo, waxaana dadkan ay dhamaantood ku qeylinayeen markii ay ka so baxeen garoonka "Uganda ha noolaato iyo waad mahadsantihiin walaalaheena reer Uganda"

Dowladad Uganda ayaa soo dhaweysay dadkaas, waxayna ka raali galisay waqtigii garoonka ay ku xayirnaayeen, waxayna sheegtay in qodobka lagu heystay dadkaas uu ahaa sababatay wadan aysan laheyn ugu soo goosteen Ticket Go kaliya ah.

dadkan oo markii hore tiradooda nala kugu shegay ay aheyd 67-qof ayaa markii dambe aan ogaanay in ay yihiin 58-qof oo caruur iyo wayeel u badnaa.

Safaaradda Soomaalida ayaa ugu baaqeysa in dadka Soomaalida ah ee safarada ku soo ah wadankan Uganda aan la soo qaldin, oo loo dhameystiro adeegyadooda safarka, waxayna Safaaradda iyo Safirku u mahadcelinayaan madaxda Dowladda Uganda oo gacan siisay dhibanayaal walaalahood ah.

Sidaas oo kale Soomaalida halkan ayaa u mahadcelisay Dowladda Ugannda oo u ogolaatay in dadka walaalahood ah loo fasaxo in ay magan-galyo nabadeed ay siiyaan.

Dowladda wadanka Uganda ayaa si weyn u tixgalisa dadka Soomaalida ah ee ku dhaqan dalkeeda, waayo waxay mar kasta la soctaa in wadankooda uu ka taagan yahay dhib xoog leh ayna yihiin dad aan dhib badneyn oo qash-qashaad iyo fowdo kale aan laheyn oo danahooda iyo noloshooda ku mashquulsan

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Kampala, Uganada
Email: [email protected]