4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2007
Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha Ugaas Khaliif oo warbixin ka soo saaray dhibka ay Caruurta ka muteen Dagaalladii Muqdisho ka dhacay

Khamiis, April 05, 2007(HOL):  Warbixn dheer oo dhinacyo badan taabaneysa Islamarkaana uu saaray  Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ugaas Khaliif,  fadhigiisuna yahay magaalada B/weyn ayaa si Faah Faahsan waxaa ay uga hadashay Arimo la xiriira dhibaatada Caruurta Soomalidu ka Muteen  Dagaaladii Cuslaa ee ka dhacay Caasimada Muqdisho iyo waliba Heerka Cudurka Shubanku uu gaarsiin yahay Gobalka Hiiraan.

 

Warbixintu waxaa ay sheegtay in Dagaaladii dhawaan ka dhacay Caasimada Muqdisho ay sababeen in Qoysas oo wata Caruurta Aad u  da'yar  u firxadaan Meelo kala duwan ka mid ah Dalka soomaliya kuwaasoo qaar ka mid ah dhibaato badan ka dib  gaaray  Xuduuda Dalka Kenya, warbixintu waxaa ay intaa ku dartay in marka laga soo tago caruurta ku dhimatay ama dhaawacu ka soo gaaray dagaalada sidoo kale ay jiraan Caruur iyaguna u dhintay Rafaadka ay kala kulmeen Barakaca ka dib markii ay la soo darseen Cuduro ka dhashay Isbadalka Deegaanka  gaar ahaan Cudurka Shubanka oo hada siweyn uga jira qeybo badan oo ka mid ah dalka soomaaliya.

 

Madaxa Ururka Max'ed Cismaan (Timo-Jilic) oo u waramay HOL ayaa sheegay in marka la eego Gobalka Hiiraan oo uu ka mid yahay Goobaha ugu badan ee dadka soo Barakacay gaareen, isagoo intaa ku daray in markiiba in badan oo ka mid ah Caruuta ka tirasan Qoysaska soo gaaray Gobalka uu soo ritay Cudurka shuban Biyood oo hada siweyn uga jira Gudaha gobalka,  iyadoo dhanka kalan uusan jirin dadaal gaar ah si wax looga qabto dhibaatada heysata Guud ahaan caruuta gaar ahaan kuwa ka soo hayaamay hoygii ay daganaayeen.

 

Arita ugu naxdinta badan Ayuu ku sheegay Gudoomiyuhu in uu la kulmay  Hooyo dhabata ku heysata mid ka mid ah caruurteeda oo la Il daran cudurka Misana uu daqiiqado ka hor uu dilay Isla Cudurku mid kale oo ka mid ah Caruurta ay dhashay, waxaana uu intaa ku daray in hooyadaasi Soomaaliyeed u sheegtay in ay ka mid tahay dadka ka soo Barakacay Dagaalada Muqdisho.

 

sidoo kale waxaa iyana jira Caruur aan helin wali daryeelka laga yaabo in ay helaan kuwa soo gaaray Magaalada, maadaama ay jiraa Qoysas badan oo aan awood u helan in ay soo galaan gudaha magaalada islamarkaana guryo cooshado ka sameysan ka dhistay  meelo ka baxsan magaalada, lagana yaabo in caruuta ay wataan Qoysaskaasi qabaan Cuduro hadii aan loo helin dayeel caafimaad laga yaabo in ay u dhitaan.

 

Ururku waxaa kaloo uu farta ku fiiqay in marba marka ka danbeeysa uu isa soo tarayo Cudurka Shubana oo hada siweyn uga jira qeybo ka mid ah Gobalka, gaar ahaan Magaalada B/weyn  oo meel duleedkeeda ah laga sameeyay Bar lagu Karantiilo dadka la Il daran Cudurka,

 

Max'ed Cismaan Timo-Jilic Madax Ururka Daryeelka Caruuta iyo waliba Xuquuqda Aadanaha waxaa uu sheegay in faafitaanka Cudurka loo sababeyn karo Ceelasha Magaalada oo aan dadka siinin Biyo Nadiif ah iyo waliba hoos u dhac xiligan ku yimid Biyaha Wabiga,  iyadoo Kormeel Ururku uu sameeyay uu ku soo ogaaday in ay jiraan Ceelal Biyahood wanaagsaneyn kuwaasoo markii danbana Maamulku xiray.

 

Ugu Dambeyntii waxaa uu ururku uga baaqay Hay'adaha caalamiga ah gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Xananada Caruurta in ay ay Fiiro gaar ah u yeeshaan dhibaatada Adag ee saameysay Caruur badan oo Soomaali ah hadii ay ahaan la haayeen dhinaca dagaalada iyo waliba Cudurada uu ka mid yahay Shubanka, isaga oo dhanka kalna ugu baaqay Dhinacyada Colaadu u dhaxeyso in la joojiyo dagaalka si loo bad baadiyo inta hartay shacabka Soomaaliyeed.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Beledweyn, Somalia