4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2007
Dowladda Federaalka oo dib u dhigtay Shirkii Dib u heshiisiinta ahaa ee ay ku baaqday

Khamiis, April 05, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u dhigtay shirkii ay ku baaqday in uu 15-ka bishan ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

 

Sababta ay dib ugu dhigtay shirka ayaa lagu sheegay iyadoo magaalada Muqdisho ay gashay xaalad dagaal xiligii loo diyaar-garoobi lahaa qabashada shirkaas oo ay dowladda sheegtay in ay ku heshiiyaan Qabaa’illada Soomaalida.

 

Diblumaasi carbeed oo u waramay Wargeyska Sharqul Awsat ayaa sheegay in uu Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Ismaaciil Buubaa uu ka sheegay go’aanka dib u dhisigta shirkii ay Dowladda Federaalka ku baaqday xilli uu ka qeybgelayay shirkii ay Kooxda Xiriirka Soomaalida ku yeelatay Magaalada Qaahira ee dalka Masar.

 

Mudadii loo qabtay in uu shirkaas qabsoomo oo ku beegan 16-ka bishan ayaa waxaa haatan ka harsan 11 maalmood, waxaana iska cad in aan mudadaas lagu qaban karin shir ay ka qeybgelayaan ku dhawaad 3000 oo ergay oo ka socda Qabaa’illada Soomaalida.

 

Ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay dhinaca mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka oo ku saabsan dib u dhigista shirka dib u heshiisiinta Qaran ee ay horay ugu baaqday Dowladda Federaalka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia