4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2007
Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada Beledweyne oo sheegay in ay u socdaan wax ka qabashada nabadgelyada Gobolka

Khamiis, April 05, 2007(HOL): Kulan saacado dheer qaatay oo ay wada galeen Saraakiisha Ciidamda Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada B/weyn iyo waliba  Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobalka Hiiraan ayaa si faah-faahsan oo qoto dheer waxaa looga hadlay u jeetada socdaalka Ciidamada Itoobiya ee dhawaan soo dagay Deegaanka Jante-guudisho ee duleedka Magaalada.

 

Is aragga labada dhinac oo sidoo kale ay goob joog ka ahaayeen Mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka ayaa marka hore laga codsaday saraakiisha Ciidamada Booliska Gobalka in ay ka warbixiyaan xaalada Nabad-galyo ee guud ahaan Gobalka Hiiraan, iyo waliba howlaha ilaa hada Boolisku uu ka qabtay arimaha la xiriira Nabad-galyada.

 

Taliyaha Qeybta ee Booliska Gobalka Hiiraan  Col. Ibraahin Aadan Cadow oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in wax kasta oo uu Boolisku qaban lahaa ay hortaagan yihiin arimo dhinaca dhaqaalaha ah, waxaana  uu intaa ku daray in iyadoo ay sidaa tahay hadana uu Boolisku Xil weyn iska saaray sugida nabad-galyada oo sida uu sheegay  Col. Cadow wax badan laga qabtay.

 

Warbixinta Taliyaha Qeyta ka dib ayaa waxaa hadalka Qaatay Sarkaalka ugu sareeya Ciidamada soo gaaray Magaalada B/weyn oo sheegay in la soo siiyay Amar ka soo baxay wasaarada Gaashaan dhiga ee Dowlada Itoobiya oo ku Amartay sida uu hadalka u dhigay in ay fariisin ka sameystaan Deegaanka Jante-guudisho oo marka Istiraataji ahaan la eego ah wado muuhim u ah isku socodka Gobalada dhaxe iyo waliba Magaalada Muqdisho.

 

Sarkaalku waxaa uu intaa ku daray in sidoo kale ay wax weyn ka qaban doonaan arimaha nabad-galyada gobalka, gaar daba galka kooxo sida ay hadalka u dhigeen lagu tuhun san yahay in ay xiriir la leeyihiin Maxkamadihii bur buray,  isagoo intaa sii raaciyay in Booliska ay ka caawin doonaan howlaha iyaga ka badan ee xalka loo waayo.

 

Warkan ku saabsan in Ciidamadu wax ka qaban doonaan arinta nabad-galyada ayaa u muuqda mid raad buuxa ku leh Qaraxyadii dhawaan ka dhacay Gudaha Magaalada B/weyn ee lagu kala qaaday Saldhiga Booliska iyo waliba Guriga uu dagan yahay Gudoomiye ku xigeenka Maamulka Gobalka Hiiraan Xuseen Cumar Xasan (Gacamey)  walow hadana qaraxyadaasi aysan cidna wax ku noqon.

 

Gudaha magaalada ayaa lagu arkayaa Ciidamada oo ku gaaf-wareegaya Gawaarida loo yaqaan Uraalka ee Ciidamadu isticmaalaan kuwaasoo intood badan ilaalo ka ah Booyado kuwa biyaha dhaamiya ah oo gudaha magaalada Biyo u soo doona.

 

Dadka ku dhaqan Gobalka oo siweyn u xasuusta dagaalkii ba'naa ee dhawaan ka dhacay Caasimada Muqdisho ee dhax maray Ciidamada Itoobiya iyo waliba Kooxaha ku kacsan ayaa walaac badan ka muujinaya joogista Ciidamada, waxaana marka aad si hoose u dhuuxdo sheekooyinka dadka caadiga ah kuu soo baxeysa in dadku ka cabsi qabo isku dhac dhax-mara Ciidamada iyo waliba kooxihii dhawaan Qarax-yada geytay oo aan wali iyagu gacanta lagu soo dhigin. 

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Beledweyn, Somalia