4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2007
Dowladda Federaalka sidee bey u arkeysaa Heshiiska Xabad-joojinta ah ee ay wada gaareen Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo Saraakiisha Itoobiya?

Khamiis, April 05, 2007(HOL): Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) ayaa ka hadlay heshiiska xabad-joojinta ah ee ay dhawaan wada gaareen Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Afhayeenka oo u waramayay HOL waxaa uu sheegay in aysan Dowladda waxba kala soconin heshiiska la sheegay in uu dhexmaray labadaas dhinac, hayeeshee waxaa uu carrabka ku dhuftay in haddii ay heshiis xabad-joojin ah gaareen aysan dowladda oraneynin xabadda hala sii wado.

 

Laakin Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) waxaa uu intaas ku daray in uusan waxba iska bedelin qorshihii ay Dowladda Federaalka ku sugeysay ammaanka Magaalada Muqdisho iyo dagaalkii ay kula jirtay wax uu ugu yeeray kooxo argagixiso ah oo Muqdisho ku sugan.

 

Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed wararka sheegaya in Dowladda Federaalka aysan awood lahayn oo waxa ay talada ka go’do ay tahay Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho, wuxuuna farta ku fiiqay in ay wararkaasi sheegaan dad aan dowladnimo iyo nabad rabin.

 

Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo Odayaal metelaya Beelaha Magaalada Muqdisho ayaa labo jeer oo hore waxay u gaareen heshiis lagu joojinayo dagaallo Muqdisho ka dhacay, iyadoo labadaas jeerna aan heshiisyadaas laga talo gelin Dowladda Federaalka oo iyada la sheego in ay Ciidamada Itoobiya keentay dalka Soomaaliya.

 

Dhanka kalena, maanta ayaa lagu wadaa in ay shir kale isugu yimaadaan Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, kaasi oo looga hadli doono xal u helidda dagaalladii Muqdisho ka dhacay maalmihii aynu ka soo gudubnay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee rajada laga qabo in ay miro  ka soo baxaan shirka ay maanta labada dhinac isugu imaanayaan ayaa aad u yar, waayo labada dhinac ee shirka isugu imaanaya waxay isa soo hordhigeen shuruudo ay ka mid yihiin in ay Ciidamada Itoobiyaanka dib uga laabtaan baraha ay qabsadeen iyo iyadoo ay Itoobiyaanka doonayaan in ay sii wadaan howlgalladooda, isla markaana ay qabsadaan baro hor leh.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia