3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2007
Maamul Goboleedka Puntland oo beeniyay in ay Qowmiyad Takoor ku sameeyeen Dad laga soo tarxiilay Sacuudiga

Khamiis, April 05, 2007(HOL): Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa beeniyay in uu maamulkiisa Qowmiyad Takoor ku sameeyay dad laga soo tarxiilay Sacuudiga, wuxuuna caddeeyay in warkaasi uu yahay mid laga sameeyay maamulka Puntland.

 

Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in ay jirto in diyaarad waday dad laga soo tarxiilay Sacuudiga dib looga celiyay Puntland, wuxuuna taasi ku macneeyay in ay la xiriirtay go’aan uu Maamulka Puntland ka qaatay guud ahaan dadka dib ugu loogu soo celinayo Soomaaliya.

 

“Dhowr jeer oo hore ayaan dib u celinay Dad la doonayay in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, kuwaasi oo laga soo masaafurinayay Dalalka Ingiriiska, Holland iyo Mareykanka, tanina waxay qeyb ka tahay go’aankaas”ayuu yiri Madaxweyne Cadde Muuse oo sheegay in ay ahayd in ay diyaaradda dib ugu celiso halkii ay ka soo duushay oo ahayd dalka Sacuudiga, balse aysan ahayn in ay meel kale ku dejiso.

 

Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in intii uusan noqon madaxweynaha Puntland ay mas’uuliyiin uu ka mid yahay horay uga soo horjeedeen in dadka qaxootiga ah ee dibadda u qaxay dib loogu celiyo dalka Soomaaliya, sidaas darteedna aysan jirin sabab uu haatan u aqbalo in dalka Soomaaliya lagu soo celiyo dad horay uga tegay dhibaato ka jirta aawgeed.

 

Inkastoo uu Madaxweynaha Puntland sidaan leeyahay hadana waxaa jira warar ka soo baxaya qaar ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee diyaaraddaas saarnaa, kuwaasi oo sheegaya in markii ay Diyaaradda ku dejisay Magaalada Gaalkacyo la kala soocay dadkii Diyaaradda wada saarnaa, isla markaana intii ka soo jeeday Deegaanada Puntland la dejiyay, halka intii kalena dib loo celiyay.

 

Diyaaraddan oo u kireysan Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways ayaa waday dad Sacuudiga laga soo tarxiilay oo tiradooda ay gaareysay 120 ruux, kuwaasi oo qorshuhu ahaa in laga dejiyo magaalada Muqdisho balse dagaallo ka socday aawadeed ay taasi suurtageli weysay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia











Click here
4/5/2007 7:53 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Warbixn dheer oo dhinacyo badan taabaneysa Islamarkaana uu saaray Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ugaas Khaliif, fadhigiisuna yahay magaalada B/weyn ayaa si Faah Faahsan waxaa ay uga hadashay Arimo la xiriira dhibaatada Caruurta Soomalidu ka Muteen Dagaaladii Cuslaa ee ka dhacay Caasimada Muqdisho iyo waliba Heerka Cudurka Shubanku uu gaarsiin yahay Gobalka Hiiraan.

4/5/2007 7:47 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u dhigtay shirkii ay ku baaqday in uu 15-ka bishan ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

4/5/2007 3:15 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Kulan saacado dheer qaatay oo ay wada galeen Saraakiisha Ciidamda Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada B/weyn iyo waliba Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobalka Hiiraan ayaa si faah-faahsan oo qoto dheer waxaa looga hadlay u jeetada socdaalka Ciidamada Itoobiya ee dhawaan soo dagay Deegaanka Jante-guudisho ee duleedka Magaalada.

4/5/2007 3:10 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) ayaa ka hadlay heshiiska xabad-joojinta ah ee ay dhawaan wada gaareen Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho.