4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2007
Shirkii ay Muqdisho ku yeesheen Odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya oo heshiis hordhac ah lagu gaaray

Talaado, April 03, 2007(HOL):  Shir ay galabta ku yeesheen magaalada Muqdisho Guddi ay magacaabeen Odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiil Itoobiyaan ah, kuwaasi oo ka wada arinsanayay sidii loo joojin lahaa dagaalladii Muqdisho ka socday ayaa lagu gaaray heshiis hordhac ah.

 

Shirka ay labada dhinac yeesheen oo socady muddo seddex saacadood ah ayaa dood dheer kadib waxay labada dhinac soo saareen labo qodob oo kala ah in la sii adkeeyo xabad joojin ay labada dhinac horay u gaareen iyo in la aaso maalinta berri ah meydadka daadsan xaafadihii dagaallada ka dhaceen, iyadoo fulinta qodobkanina loo xil saaray guddo min labo xubnood ah oo labada dhinac kala metelaya.

 

Sidoo kalena labada dhinac waxay isku af-garteen in 5ta bishan ay shir kale isugu yimaadaan, isla markaana ay sii amba qaadaan heshiiska ay wada gareen iyo qodobada kale ee horyaala, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay labada dhinac aad isugu adkeeyeen in ay is-aaminaan.

 

Heshiiskan hordhaca ah ee ay wada gaareen labada dhinac ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay magaalada Muqdisho ka dhaceen dagaallo lagu hoobtay oo u dhaxeeyay Ciidamada Itoobiya  iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, waxaana heshiiskan uu rajo geliyay dadka Muqdisho oo iyagu aad ugu haraadan nabad iyo in ay ka dhamaadaan dagaallada ay waxyeellada ka soo gaareyso.

 

Sidoo kalena shirka ay wada yeesheen Guddiga ka socday Odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya ayaa wuxuu yahay mid aan looga hadlin shuruudo ay labada dhinac isku xirayeen oo ay ka mid yihiin in ay Ciidamada Itoobiyaanka fariisimadooda dib ugu laabtaan, taasi oo ka imaaneysay dhinaca Odayaasha Beesha Hawiye iyo in ay Ciidamada Itoobiyaanka doonayaan in ay sii wadaan howlgalka, isla markaana ay guryaha baaraan.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, heshiiskan ay labada dhinac wada gaareen ayaa ah mid aaney qeyb ka ahayn Dowladda Federaalka oo iyada la sheego inay u yeeratay Ciidamada Itoobiya, sidaas darteedna waxay dad badan shaki ka muujinayaan in uu dhaqangalo heshiiska ay wada gaareen Odayaasha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia