4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 22, 2007
Dagaal culus oo maalintii afraad ka socda magaalada Muqdishu

Axad, April 22 (HOL) - Wararka ka naga soo gaarayo magaalada Muqdishu ayaa sheegay in dagaalo culus ay halkaas ka socdaan maalintii afraad. Goobaha ay maanta dagaaladu ku xoogan yihiin ayaa waxaa ka mid ah FAGAX, HOTEL RAMADAAN iyo isgueyska TOWFIIQ.

 

Dimashada iyo dhaawaca ayaa waxaa ay maanta  ku badanyihiin kooxaha  dagaalamayo, halka maalmihii aan soo dhaafnay ay dhimashadu iyo dhaawucuba uu ku badnaa dadka raydka ah ee aan dagaalka ku jirin.

 

Wararku waxay intaa ku darayaan in qaybo ka tirsan magaalada ay wali daadsanyihiin meydad farabadan, aanan la duugi karin nabad galyo xume awgeed.

 

Dagaaladan socda afarta maalmood ayaa waxaa ku nafwaayey dad gaarayo ilaa 150 qofood halka dhaawucu uu kor u dhaafay ilaa 500 sida laga soo xigtay Isbtilaalada magaalada Muqdishu

 

Ilaa iyo hadda ma cadda ku gacan sarreysa dagaalkan inkasta oo ay labada kooxoodba ay sheeganayaa in dagaalka maanta ay guulal ka soo hooyeen.

 

Dhanka kale, afhayenka beelaha Hawiye Axmed Diiriye ayaa laga soo xigtay in uu xiriir la sameynayo saraakiisha ciidanka Itoobiyaanka si loo joojiyo dagaalka.

 

Hiiraan Online