Sabti, November 24, 2007(HOL): Sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Mataan ee Gobalka Hiiraan C/laahi Warsame Daba-gooye waxaa habeenimadii xalay si lama filaan ah gudaha iyo daafaha degmada Matabaan soo galay Kooxo aad u hubeysan oo sida wararku sheegayaan loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamiga.
Ciidamada oo sida uu gudoomiyaha Degmada sheegay ku hubeysnaa hubka Fudud ayaa ku war galiyay dadka Rayidka ah in aysan wax cabsi ah muujin isla markaana ay doonayaan oo kaliya in ay ka iibsadaan Degmada wax-yaabo ay u baahan yihiin, lakiin waxaa ay markii danbe kooxahaasi weerar ku qaadeen barkoontarool oo sida la sheegay fariisin u aheyd kooxo maleesho ah kaasoo uu dhaawac ka soo gaaray mid ka mid ah maleeshiyadii joogtay Jid-gooyada ama Koontaroolka.
Ilaa hadda lama oga sababta keentay dhaq-dhaqaaqa kooxahani ka wadaan qeybo ka mid ah gobalada dhaxe gaar ahaan Gobalka Hiiraan oo isla maalintii shalay sidoo kale kooxo hubeysan ku weerareen Deegaanka Bacda ciidamo ka tirsanaa kuwa Maamulka Gobalka Hiiraan halkasoo oo logu dhaawacay labo ka tirsan Ciidamadii Maamulka.
Arimahan ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii aynu soo dhaafnay la hadal hayay wararka sheegaya in ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ay wadaan kooxo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Maxkamadihii laga itaalka roonaaday, sidoo kale waxaa xusid mudan in uu jiro dhaq-dhaqaaq iyana ay wadaan Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan deegaanka Jane-guudisho kuwaasoo ku raad-jooga sidii ay xog-buuxda uga heli lahaayeen halka dhab ahaan fariisinka u ah kooxaha weeraray deegaanka Bacda.
C/raxmaan Diini, Hiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Kooxo hubeysan oo loo maleynayo in ay ka tirsanaayeen Maxkamadihii Islaamka oo xalay gudaha u galay Degmada Mataan
More News
- Baarlamaanka Soomaaliya oo codka kalsoonida siiyay Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya
- Maxaabiis ku xirneyd Xabsiga Dhexe ee Kismaayo oo la wareegay gacan-ku-heynta Xabsigaas
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo ka hadlay xarigga Axmed Diiriye, Idaacadaha Muqdisho iyo isku-day lagu dili lahaa Inj. Suudaan Cali Axmed
- Ciidamada Itoobiya oo howlgallo ka wada Deegaanka Suuqa Xoolaha kadib qaraxyo halkaas ka dhacay
- Prof. Geeddi sidee buu u arkaa Ra’iisal Wasaaraha cusub ee loo Magacaabay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya?
- Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo sheegay in uusan waxba soo kordhineynin Ra’iisal Wasaraaha loo magacaabay Soomaaliya
- Ururro ka shaqeeya Xaquuqda Aadanaha oo qeylo-dhaan ka soo saaray Fatahaadda Webiga Shabeelle