4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Nov 17, 2007
GUDOOMIYE KU XIGEENKA GUDIGA WARFAAFINTA EE GOLAHA BAARLAMAANKA "Marna ma haboona in Saxaafadda madaxa bannaan ay Nabad-sugidda raacdeysato iyadoo sharciga Warbaahinta dalka uu Baarlamaanka horyaalo”

Sabti, November 17, 2007(HOL):  Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Warfaafinta ee Golaha Baarlamaanka, ahna ku simaha Guddoomiyaha Xildhibaanad  Saynab Max'ed Caamir ayaa war cad oo ay ka soo saartay magaalada Baydhabo kaga hadashay markii ugu horeysay xirnaanshaha qaar ka tirsan Idaacadaha ka howl gala  Gobolka Bannaadir, kuwaasoo ay xireen Waaxaha Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

"Waan ka xumahay in la xiro, lana caburiyo Saxaafadda madaxa bannaan, runtii Idaacadahan waa kuwii shaqeynayay 17-kii sano, Shacabka Soomaaliyeedna aad buu ula qabsaday, wayna jecel yihiin marka inaan ka careysiino shacabka ma haboona waana arin mudan in aad looga fiirsado” ayay tiri Xidhibaanad Saynab oo muujisay in ay ka xun tahay shaqo joojinta lagu sameeyay seddex Idaacadood oo ka howlgala Magaalada Muqdisho.

"Intii la xiri lahaa Warbaahin xor ah oo  shacabka u qidmayneysay  muddo waxaa haboon inay dowladdu keento warbaahin tayo leh oo shacabka la hadasha”ayay mar kale tiri Xildhibaanad Seynab Maxamed Caamir oo hadalkeeda ku sii dartay

“Dhab ahaantii marna ma  haboona in Saxaafadda madaxa bannaan ay nabad-sugid raacdeysato iyadoo Sharciga Warbaahinta lagu dhaqi lahaa uu horyaalo Baarlamaanka, Xukuumaddana ay soo ansixisay".

Hadalka Xildhibaanadda ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay xiran yihiin seddex Idaacadood oo ka howlgeli jiray Magaalada Muqdisho oo kala ah Shabeelle, Simba iyo Banaadir, kuwaasi oo lagu xiray amar ka yimid Saraakiisha Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia