Isniin, May 21, 2007(HOL): Qarax aad u xoogan ayaa lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamadaasina ay wateen Gaari Ural ah oo ka soo baxay Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga.
Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Qaraxa lala beegsada ayaa la sheegay in aysan qaraxaasi wax dhibaato ah ka soo gaarin,kadibna ay goobtii Qaraxa ka dhacay ka kaxeysteen dhowr qofood oo ay uga shakiyeen in ay qaraxaasi ku lug lahaayeen, kuwaasi oo aan la ogeyn meel ay u kaxeysteen.
Dad ka dhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay sheegeen in waxa qarxay ay ahayd Miino qashin la dhex geliyay, taasi oo sida ay sheegeen meesha la soo dhigay habeenkii xalay ahaa. Ciidamada Itoobiyaanka ah ee qaraxa lala beegsaday ayaa la sheegay in ay ku sii jeediyeen Xarunta Ciidamadii Asluubta oo haatan fariisin u ah Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.
Magaalada Muqdisho ayaa beryahan waxaa ka dhacayay qaraxyo lala beegsanayay fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo weliba gaadiidka ay wataan mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka, wuxuuna Qaraxan lala damacsanaa Ciidamada Itoobiyaanka uu ahaa midkii ugu horeeyay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay soo af-jarmeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay.
Shalay ayay ahayd markii uu dhicisoobay Shirqool lagu lagu dili lahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), kaasi oo Wadada dhinaceeda Miino loo dhigay, hayeeshee uu dareemay sidaasna uu ku badbaaday. Maalmo ka horna waxaa Bambo gacmeed aan qarxin lagu tuuray Kolonyo uu la socday Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ooi marayay Wadada Jamhuuriyadda ee Magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Muqdisho waxaa ku sii kordhaya qaraxyada iyo Miinooyinka la dhigayo ama lagu aasayo hareeraha Waddooyinka Muqdisho, waxaana saakay loogu yeeray Ciidamada Dowladda Federaalka labo goobood oo ku yaala Wadada Wadnaha, kuwaasi oo la sheegay in Miino la geliyay, inkastoo markii goobahaas baaris lagu sameeyay kadib la ogaaday in aaney jirin wax Miino ah oo lagu aasay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia