3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 22, 2007
Colaaddii Daba Dheeraatay ee ka taagneyd Deegaanka Beer Xaani iyo Deegaanada hoos yimaada oo la soo af-jaray


Khamiis, February 22, 2007(HOL):
Waxaa bilihii ugu danbeeyey ka socday dagaallo goos-goos ah oo ay ku nafwaayeen dad badan kuna barakaceen shacabka deegaanka beerxaani ee gobolka jubbada hoose lagu soo gabagabaeeyey shirar nabadeed oo ka kala dhacay isla deegaan ay dagaaladu ka dheceen ee beerxaani iyo magaalada kismayo

 

Shirarka oo qayb ka ahaa wajiga hore ee xabad joojinta ay waxgaradka beeluhu diriray isu xilqaameen kana dhacay magaalada kismaayo ayaa shirarka wajiga labaad waxaa qabanqaabiyey oo gacan weyn ka geystay Xarinta Cilmibaarista iyo Wadatashiga (CRD – Somalia) ee gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

 

Xafiiska CRD oo iasgu la mataanaysan Hay’adda Interpeace, ayaa suurta gelisay qabsoomda shirka iyo dhexdhexaadintiisa. Shirkan dib u heshiisiinta oo ah markii ugu horeeysay oo beelaha ku dhaqan deegaanka ay garaan heshiis ayaa waxaa ka soo baxay nattiijo aad loogu qabowsaday laguna afjaray dagaaladaan oo socday in muddo ah. Colaada degaanka oo ay asal u ahayd aano qabiil oo ka danbaysay dilal dhexmaray beelaha wada degan deegaanlka. Dadka ku nool waxaa ay waligood ku wada noolaayeen nabad intii ka horeysay 2003 markaas oo shaqaaqadii ugu horeysay dhex martay

 

Suldaan Rashiid Durre (beesha gaaljecel) ayaa tibaaxay inaysan suurta gal ahayn sii socoshada dagaal deegaameedkan, dhex maray dad waligood nabad ku wada joogay “sidaas awgeed ay muhiim tahay in laga xaalo dhibka dhcay,xeerna laga sameeysto si ayan markale u soo noqonin falalkii foosha xumaa ee nagu riday barakaca loona noqdo sidii loo noollaan jiray oo ahay in baad iyo biyoba la wadaago beesha sade_daarood-na ay ku mahadsan tahay inay intaa nala fahmeen”

 

Suldaanka beesha sade ee waamo Suldaan Max’ed Bashiir Madoobe Yarow ayaa isaguna tibaaxay in waayahaan danbe lagu arkay dhaqamo xunxun soomaali islammarkaana ay tahay in hadda ka dib “dadaaladii colaadda loo badelo dadaallo horumarineed oo laga fekero sidii deegaankaani ku heli ilo caafimaad,wax barasho iyo ugu yaraan biyo la cabbo.Ilaahay naguma soo celiyo colaaddan” ayuu ku celceliyey Suldan Max’ed Bashiir

 

Wadajirka labadan suldaan iyo duqowda beelaha ayaa sidoo kale ugu baaqay beelaha kale ee deegaanka jubbooyinka inay isugu yimaadaan shir ay kaga wada hadlaan nabadayn guud iyo horumar ku badelida dagaaladda. Xarinra Cilmi Baaraista iyo Wadatshiga Soomaaliyeed (CRD-Somalia) ayaa kulankiisii kaalin door ah ka qwaadtayb iyada oo ka caawisay diyaar garoowga shirka, fududeynta shirka iyo qodobaysta shirka guud ahaantiis. CRD-Somalia, waxaa kale oo ay ku guulaystay in ay dhul fpg fog ay isga keento ergadda shirka.

 

Shirkaan oo socday in muddo ah ayaa waxaa ugu danbayn la isku afgartay in shir lagu qaabaynayo qaabka bixinta diyada dadkii ku dhintay dagaaladaan lagu qabto mar kale magaalada kismaayo iyadoo odayaasha beelaha u dhaqaaqeen dhinaca miyiga iyo tuulooyinka ku wareegsan si ay ugu wargeliyaan dadka reer miyiga ah in colaaddi nabad ka danbaysay. Peace –Caravan ayaa la rajaynayaa in uu cnabadda gaarsiiyo dhmaan deeganada Jubadda Hoose.

 

Waxay odayaasha beelahaani ka codsadeen xafiiska CRD in uu u fududeeyo shirka dhamaystirka ah ee ka dhici doono Nawaaxiga Kismayo iyadoo isla goobtii ay kaga aqbaleen maamulka xafiiskaCRD inay howshaas dusha u ridanayaana sheegeen

 

Maamulka Xafiiska CRD gobolaa jubboyinka ayaa ku dhiirigeliyey odayaasha inay horay u wadaan ololayaasha nabadeed qaataana tallaabo kasta oo nabad horseedaysa oo ay ku dheehan tahay sabir iyo dulqaad loo muujiyo dhibaatooyinka ka imaanaya xilliga adag oo lagu jiro iyadoo ay horumar kasta fure u tahay nabaddu. Abdinaasir oo ah mid Cilmibaarayasha CRD ayaa sheegay in Hoowshan nabadeeynta ay fududeyn doonto siidi shacaba degaanada Jubooyinka la isgu soo dhaweyn lahaa waxna ay u wada qabsan lahaayeen.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia











Click here
2/22/2007 1:48 PM EST
Khamiis, February 22, 2007(HOL): Wararka soo baxaya halka lagu magacaabo (Baar Magoog ) oo ka tirsan dhulka ismaamulka soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal dhaxmaray labo beelood oo halkaa wada degta ay ku geeriyoodeen ku dhawaan 9 ruux halka intaa ka badana uu dhaawac ka soo gaaray.

2/22/2007 7:39 AM EST
Khamiis, February 22, 2007(HOL): Mas'uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka iyo Bulshada Rayidka Gobolka Banaadir ayaa maanta isugu yimid shir looga hadlayay xaaladda Magaalada Muqdisho oo maalmahan ah mid aad u kacsan.

2/22/2007 7:31 AM EST
Khamiis, February 22, 2007(HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay yimaadeen Magaalada Muqdisho waxay bilaabeen in ay baaris ku sameeyaan masaajidyada, iyagoo hub iyo waxyaabo qarxa ka baaraya.

2/22/2007 7:17 AM EST
Khamiis, February 22, 2007(HOL): Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa ku eedeeyay Hay'adaha Samafalka in aysan waxba u qaban dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan gudaha dalka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay ku tasarufaan gargaarkii Soomaaliya loogu soo dhiibay.

2/22/2007 7:01 AM EST
Khamiis, February 22, 2007(HOL): Xubnaha Guddiga Fulinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Hotelka Muqdisho (EX-Daameey) ayaa waxay gunaanadkii shirkooda ka soo saareen hadal saxaafadeed ay ku sheegayaan in Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Muxyaddiin Xasan Cali (Darbaweyne) uu lunsaday lacag la soo siiyay Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta.

2/22/2007 1:12 AM EST
Khamiis, February 22, 2007(HOL): Shalay iyo xalay ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya waxay guryahooda oo Muqdisho ku yaala ka kaxeysteen ilaa shan ruux oo qaarkood ay yihiin Culumaa’udiin si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya.

2/22/2007 1:01 AM EST
Khamiis, February 22, 2007(HOL): Xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu arkay kooxo hubeysan oo doonayay in ay dadka deegaankaas lacag kaga qaataan qaab handadaad iyo cabsi gelin isugu jiray.