Sabti, December 08, 2007(HOL): Dagaallo ku saleysan Aargoosi Qabiil iyo muran dhinaca deegaanka ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhiteen in ka badan 14 Ruuux sida ay HOL u xaqiijiyeen Odayaal iyo wax-garad ka kala tirsan Beelaha Colaadu u dhaxeyaso oo ku sugan Magaalada Beledweye.
Dhinacyada dagaalku dhax maray oo ka soo wada jeeda Beesha Gaal-jecel ayaa hada bilaabay dadaallo lagu doonayo in lagu qaboojiyo xiisada ka dhax oogan si markaa loo baajiyo dagaal danbe oo dhaca.
Odayaasha dhaqanka Gobollada Hiiraan iyo Shabeelada Dhaxe ayaa lagu soo waramayaa in qaarkood gaareen Deegaannada Mukeyle iyo Shaw oo ah halka dagaaladii ugu darnaa ka dhaceen, waxaana lagu wadaa in Maalmaha soo socda la bilaabo wada-hadallo lagu dhax-dhaxaadinayo labada dhinac ee colaadda u dhaxeyso.
Tirada dadka ku dhintay Dagaallada labada Beelood ayaa ah kuwii ugu badnaa ee ku dhinta Deegaanada Mukeyle iyo Shaw sida HOL uu u sheegay Nabadoon C/dule Jimcaale oo intaasku daray in dadka dhintay u badnaayeen dad xoola dhaqato ah oo aan warba u heynin waxyaabaha laysku hayo.
Inkastoo uu jiro dadaal la doonayo in lagu soo af-jaro colaadda labada dhinac ayaa hadana waxaa la oran karaa ma aha wax sahlan in si fudud loo heshiisiiyo Labada beelood ah kuwo daaq iyo deegaan wadaag ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
14 Ruux oo ku geeriyootay Dagaal labo Beelood ku dhexmaray Deegaano ka tirsan Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
More News
- Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay Sharciga Saxaafadda
- Kooxo hubeysan oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Buulo-Burte ee Gobolka Hiiraan
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay ka baxay qeybo ka mid ah Wadada 30-ka oo ay muddo bil ah ku sugnaayeen
- Kooxo Burcad Badeed ah oo Markab ku heysta Xeebta Boosaaso oo diiday in ay isa soo dhiibaan
- Mid ka mid ah ka qaybgalayaasha Shirkii Dib-u-heshiisiinta Muqdisho oo Somaliland Xabsiga u taxaabtay