Xubin ka tirsan Baarlamaanka xorta ah oo laga masaafurinayo Degmada Bu’aale

Arbaco, August 15, 2007 (HOL): Mid ka  mid ah Xubnaha la baxay Baarlamaanka Xorta ah ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo weliba joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya oo shalay soo gaaray Degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa laga masaafurinayaa Deegaanadaas.

 

C/qaadir Maxamuud Dhaqane oo ka tirsan Xubnaha Baarlamaanka Xorta ah ayaa wuxuu gaaray degmada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Dhexe, isagoo ka soo tegay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Guddoomiyaha Degmada Bu’aale Prof. Ibraahim Xassan Nooleeye ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in uu qof mucaarad ku ah Dowladda Federaalka  uu joogo deegaanada ay Dowladda Federaalka ka taliso, wuxuuna caddeeyay in ay ogolaadeen in uu reerkiisa la joogo xalay oo kaliya maantana uu ka tago, isagoo carrabka ku dhugtay in haddii uu diido in uu ka tago ay xoog uga saarayaan deegaanada Jubbada Dhexe.

 

Guddoomiyaha Degmada Bu’aale waxaa uu intaas ku daray in arrinta C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane ay ka wada hadleen Odayaasha Deegaanka, kuwaasi oo uu sheegay in ay aakhirkii go’aamiyeen in uu deegaanka isaga baxo.

 

Ugu Dambeyntiina, C/qaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane ayaa horay u ahaa Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuse ka mid noqday Xubnihii laga saaray Baarlamaanka ee la baxay Baarlamaanka Xorta ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia