Xulka Kubadda cagta Soomaaliya oo ka qeybgelaya Tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika


Isniin, August 13, 2007(HOL): Xaflad lagu maamuusayay sii sagootinta Xulka Kubadda Cagta ee Soomaaliya  ee da'dooda ay ka yar tahay 17- sano ayaa saakay lagu qabtay Hotel Muqdisho ee degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho.

 

Xafladdaasi waxaa ka soo qeybgalay Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Mudane Saciid Mugaambe , Gudoomiye Ku xigeenada Xiriirka Soomaaliyeed , Agaasimaha Guud Wasaaradda Dhalinyarada iyo Sportiga , Mas'uuliyiin iyo Marti Sharaf kale .

 

Hadal uu halkaasi ka jeediyay Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta Saciid Mugaambe ayaa waxa uu ka waramay kaalinta uu Xiriirka ugu jiro Horumarinta cayaaraha dalka iyo Barnaamijka haatan u qorsheysan Xiriirka ee ku aadan Kor u qaadidda cayaaraha gobolada dalka , waxa uuna sheegay in dhowaan ay kormeer ku tageen qaar ka mid ah Gobolada dalka , taasoo la doonayo in sare loogu qaado hannaanka Sport ee Gobolladaasi .

 

Saciid Mugaanbe waxaa kaloo uu ku dheeraaday kaalinta looga baahan yahay iyo waajibaadka laga doonayo inay ka soo dhalaalaan cayaartoydii maanta ka ambabaxaysay dalka , kuna sii jeeda dalka Ruwanda , kuwaasoo la filayo in ay halkaasi ay uga qeybgalaan Tartanka  Bariga iyo Bartmaha Afrika .

 

Sidoo kale waxaa munaasabaddaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta C/qani Saciid Carab , wuxuuna ka hadlay waqtigii kooxda ku soo diyaar garowday iyo dhibkii laga soo maray carbintooda , wuxuuna kula dardaarmay cayaartoyda Soomaaliyeed inay ilaaliyaan anshaxa iyo shuruucda u taala Sportiga , isagoo sheegay in horumarka Sportiga uu ku xiran yahay hadba sida loogu carbiyo cayaartoyga shuruucda u taala Sportiga Qaaradda Afrika , wuxuuna u mahad celiyay Maamulka Dayniile Hospital doorkii uu ka qaatay dhiirigelinta Sportiga iyo kaalmada wax ku oolka ahayd ee uu guddoonsiiyay Cayaartoyda Soomaaliyeed ee maanta dalka ka ambabaxaysay .

 

Intaa kadib cayaartoyda ayaa u dhaqaaqday dhanka Airpor-ka Muqdisho , halkaasoo ay ka dhoofeen iyaga iyo Mas'uuliyiintii Hoggaamineysay wafdigaasi. Qaar ka mid ah cayaaryahanada oo wareysi aan la yeelanay ayaa inoo sheegay in ay rajo fiican ka qabaan inay guulo wax ku ool ah ka soo hoyaan cayaaraha ay ka qeybgalaan , waxayna cadeeyeen inay tahay markii ugu horeysay oo ay u baxaan dalka dibadiisa , waxa ayna u mahad celiyeen Mas'uuliyiinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia