Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday xero ay dagan yihiin Ciidamada Itoobiya

Talaado, April 24 (HOL) - Duhurnimadii maanta ayaa waxaa uu qarax aad u xoogani gilgilay magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose. Qaraxan oo ahaa mid is miidaamin ah ayaa lala beegsaday xero ay ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Beerta C/raxmaan Jaamac Barre ee magaalada Afgooye.

 

Weerarkan ayaa waxaa loo adeegsaday Baauur sida la sheegay Xaajiyad ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kaasoo uu kaxeynayay ruux naftii hure ah.

 

Baabuurkan ayaa waxaa uu horey u galay xerada ay Itoobiyaanku joogeen isagoo ilbiriqsiyo kadibna halkaasi isku qarxiyay.

 

Ciidamada Itoobiya ayaa iyagu dubadiiba waxa ay xireen oo ay isku gadaameen aagga uu weerarku ka dhacay iyagoo joojiyay isu socodka degmada Afgooye .

 

Waxaa aad u adag in la ogaado khasaaraha ciidamada itoobiya ee iyagu weerarka lala beegsaday kasoo gaaray qaraxan maadaama aan loo dhawaan Karin halka uu shilku ka dhacay .

 

Inta la ogyahay waxaa ku dhawacmay qaraxan ismiidaaminta ah laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo iyagu ka ag dhawaa halka uu weerarku kadhacay.

 

Waa weerarkii saddexaad oo ismiidaamin ah oo lagu qaado ciidama itoobiya oo ka dhaca Soomaaliya muddo ka yar 40 casho.

 

Hiiraan Online