Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

Tartank Kubadda Cagta ee Carruuta Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa

 

Waxaa barxadda ka soo horjeedda Masaajidka SALAAMA ee  magaalada Ottawa lagu soo gabgabeeyey tartan loo qabtay carruuta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa. Tartanka oo ay soo qabanqaabiyeen walidiinta Soomaaliyeed  ayaa waxaa  ka soo qayb galeen kooxaha kala ah:

1)      Jubba

2)      South Star

3)      Filaj Corportion

4)      Overbrook

5)      South Eagles

6)      JDS Plus

7)      Shabeele

8)   Amal

 

Tartankaan oo sannadkii horana la qabtay, ayaa waxaa markii ugu horeysay lagu i martiqaaday laba koox oo ka socota magaalada Toronto. Tartankaan oo xiisa badnaa ayaa waxaa u soo daawasho tagay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Ottawa.

 

 Koobkii Horyaalka ee sannadkan ayaa waxaa ku guuleystay Kooxda South Stars (Senior) iyo Kooxda South Eagles (Juniors). Halka tartanka  maalinlaha ah (one day tournament) ay ku guuleysteen kooxaha Toronto, JDS Plus iyo Amal.

 

HyperLink HyperLink HyperLink HyperLink HyperLink
HyperLink HyperLink HyperLink HyperLink HyperLink
HyperLink HyperLink HyperLink HyperLink HyperLink
HyperLink HyperLink HyperLink HyperLink HyperLink
HyperLink HyperLink HyperLink

Guddiga waalidiinta ee Ottawa oo aad ugu dadaalay in ay cayaarahaan u dhacaan si habsami aha ayaa kala ahaa: Abdikarim Hurre, Cabdow Bakaal, Guleed Axmedey, Cabdow Dhabar, Abdi Kaafi, Abdi Hakiim, Maxamed Daahir iyo Rashid Lufthansa. Waxaa sido kale magaalada marti ku ahaa guddi ka socday magaalada Toronto oo kala ah:  Cumar Warsame, Daahir Boodaaye, Sadiiq Muumin iyo Daahir Xuseen (Marshaale).

 

 

Gudiyadii soo qabanqaabiyey tartankan carruurta ayaa u mahadceliyey dhammaan waalidiintii Soomaaliyeed oo hiil iyo hooba la garab taagnaa intii ay socdeen cayaarahaas. Waxaa la go’aansaday in si wanaagsan laysugu diyaar gareeyo tartanka sannadka soo socda haddii alla idmo.

 

Hiiraan Online


Add Comment-- View Comment 
2 comment(s) with
0 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online